Isbeddel sannadeedka

Wakhtigu wuu soconayaa, waxaana aynu ku jirnaa dabayaaqadii sannadka 2018-ka iyo neecow ina tusaysa sannadka cusub ee 2019-ka, balse iyadoo ay taasi jirto haddana qof kasta oo dunida ku nooli waxa uu baadi-goob ugu jiraa waddada guusha iyo in uu sannadkan soo socda ee 2019-ka yoolal badan oo maskaxdiisa holcinaya gaadho muslim iyo gaalba.
Bal haddaynu eegno qofka muslimka ah iyo in uu yeesho han iyo hammi korreeya , u fiirso Eebe SWT sida uu innoogu tilmaan mu’miniinta hamigoodu sarreeyo.” رِجَالٌ لَّا تُلْهِيهِمْ تِجَٰرَةٌ وَلَا بَيْعٌ عَن ذِكْرِ ٱللَّهِ وَإِقَامِ ٱلصَّلَوٰةِ وَإِيتَآءِ ٱلزَّكَوٰةِ ۙ يَخَافُونَ يَوْمًا تَتَقَلَّبُ فِيهِ ٱلْقُلُوبُ وَٱلْأَبْصَٰرُ”
“Mu’muniinta waxaa ka mid ah rag, kuwaasoo aanu baayac-mustarkooda iyo iibkuba ka mashquulin dikriga Alle , oogidda salaada iyo bixinta sakadaba, waxay ka cabsanayaan maalin ay quluubtooda iyo aragooduba gad-gaddoomi doonto .
Shaygu hadii uu ficanyahay waxad raadacaynaysaa in aad ku iibsato qiimo sare, balse hadii shayga qiimihiisu uu jaban yahay ma ogolid in aad qiimo badan ku bixisid. Hadaba bal u fiirso asxaabtii nebi muxammed SCW, uu tarbiyeeyay,hadafka wayn ee ay nolosha ka lahaayeen,wax kasta oo hadafkaa gooya way aqbalayeen in ay ku bixiyaan.
Eeg bal Qisadan uu immamul-bukhaari soo warinayo ” nebiga SCW qolo ayaa u timid ,waxayna ku yidhaahdeen waxaanu rabnaa in aanu diinta barano ee cid nagu dar. Nebigu SCW niman qurraa( xuffaad) la odhan jiray ayuu ku daray oo ahaa 70-nin. nimmankani waxa ay ahaan jireen niman habeenkii soo jeeda oo qu’aanka akhriya isna-bara,maalintiina masaajidka biyaha usoo dhaamiya,qaarkoodna inta ay xaabo galiga kasoo gurtaan ku beddelan jiray quud-maalmeedkooda,oo cibaado u go’ay. Nolosha tanna aan dan iyo muraad ka lahayn.
Nimanka qur’aanka rabay in la baro, umabay jeedin in diin la baree,waxayba rabeen in ay nebiga khiyaameeyaan oo ay asxaabta laayaan, dabadeed meel dhexe markii la marayay ee ay nebigana kasoo fogaadeen ayaa shirqool loo dhigay asxaabtii,oo ninkii kowaad ee waraaqda siday midi dhabarka lagaga dhuftay oo la dilay, intii soo hadhayna la laayay. Laba nin oo kaliya ayaa ka baxsaday. Alle ayay ka baryeen in uu warkooda nebiga SCW gaadhsiiyo. Warkii nebiga ayuu soo gaadhay,nebiguna SCW wuu habaaray gaaladii oo maalmo ayuu u ducaynayay qurraadii.
Asxaabtaa, waxaa ka mid ahaa XARAAM IBNUL-MILXAAN, ANAS BINU-MAALIK abtigii. XARAAM IBNUL-MILXAAN nin ka mid ah qoladii gaalada ahayd ee soo afduubatay ayaa xaga dambi kaga yimid, isaga oo fadhiya, oo sii jeeda waran ku dhuftay, markii warankii ku dhacay ayaa uu ku dhawaaqay “فزت ورب الكعبة”. Oo macnaheedu tahay: ” waan liibaanay rabbiga kacbadaan ku dhaartee “.
Bal arintan qiimee, saxaabigani waxa uu waayay noloshii, waa la dilay waliba dhagar iyo khiyaamo ayaa lagu dilay, hadana waxa uu ku dhawaaqayaa weedha ah ” waan liibaanay rabbiga kacbadaan ku dhaartee “.
Saxaabigan bal hammigiisa iyo higsiga uu ka leeyahay nolosha eeg. Noloshii ayuu waayay haddana waxa uu kudhawaaqayaa waan liibaanay. Hadafkiisa ayaa ahaa in uu Alle raali galiyo oo uu jannadia kaga beddesho naftiisa, waanu xaqiijiyay himiladiisii ahaa jannada in uu helo. Taa macnaheedu waxa weeye, hadafku haddii uu sarreeyo qofku wuxuu ogolyahay inuu wax kasta oo qiimo badan ku bixiyo.
Iyada oo sidaa ay tahay,markasta oo qofku is yidhaa tallaabo hore u qaad ama jabter cusub oo noloshaada bilow, waxaa soo foodsaara caqabado badan, laakiin dadka ayaa u kala nugul caqadaha.
Dadku haddaba waxa ay ku waajahaan caqabadaha sida tan soo socota:
1. Qof ka fekera timaadada oo kaliya oo aan dib u eegin tagta iyo taagantadaba, shakhsigani haddaba waxaa laga yaabaa in aanu guulo wax ku ool ah sammayn karin, waayo, muu gorfayn manuuna dersin tagtadiisii iyo taagantada uu hada ku jiro, si uu u ogaado maxaa iga qalmay sannadkan tagaya oo ay tahay in aan saxo sannadkan igu soo fool leh .
2. Qofka ka fekera taagantada oo kaliya.
Qofkani ma laha hammi iyo higsi nololeed, mana aha qof dhigan kara yoolal uu is leeyahay sannadkan soo socda ee 2019-ka soo taabo, ama ka gun gaadh. Shaksiga noocan ah way adag tahay in uu nolosha horumar ka gaadho. Sannadba sannad ayuu u dhiibaa marka danbena waxa uu is arkaa isaga oo dhexheehaabaya mowjadaha nololeed.
3. Qofka saddexaad waa shakhsi dareemay in ay tagtada, taagantada iyo timaadaduba ay yihiin saddex xilli oo isku tallaalan.
Qofkani waxa uu ogaaday in ay saddexdan xillin isku tolan yihiin oo aannay kala maarmin. Ta ugu mihiimsana ay tahay taagantada (maanta ). Sababta oo ah wixii shalay (tagtada) kaa xumaaday iyada ayaad ku sixi kartaa, mustabalkana (timaadada), iyada ayaad ku qorshayn kartaa.
Shakhsiga noocan ahi waa wuu u nugal yahay in uu naftiisa kobciyo, koriyo oo uu mustaqbal ifaya oo widhwidhaya u sameeyo. Waxaana la arkaa isaga oo la nool yoolalkii uu dajistay, kuna raaxaysanaya gaadhiga hadaf-yadii uu lahaa oo u qabsoomay in ay cadceedu walac odhan doonto. Waana dadka ku dayashada mudan ee jiritaankoodu ifiyo dhamaan aduunka oo dhan .
Hadaba imika waa xiligaagii, xiligaygii iyo xiligiinii, wa xiligii aad ka xoreebi lahayd dib isu xeginta iyo ka baqashada gaadhiga hadaf aad leedahay xaqiijintiisii.
Noloshu waa daqiiqado iyo il-bidiqsiyo.
Waakan Dr:Maxamed Raatib A-naabulusi oo sifaynaya wakhtiga in uu koobayahay.
“لك عند الله سنوات محدودة،وأشهر محدودة،وايام محدودة،وساعات محدودة،ودقائق محدودة،وثوان محدودة “
Haddaba sidee ayaynu u aqbali karnaa, in wakhtigeena oo ah il-bidhiqsiyo isku tagay haddana aynaan yeelan higsi iyo himilo?.
Sababtu kowaad waxa ay tahay, maba dareensanin nolosha iyo gad-gaddoonkeeda,iyo in ay nolosha tahay imtixaan la doonayo in lagu kala saaro dadkan buux dhaafiyay oogada dhulka .
Bal u fiirso Alle SWT sida uu innoogu caddeeyay qur’aanka kariimka ah l, qofka in lagu jirrabayo nolosha tan.
“تَبَارَكَ الَّذِي بِيَدِهِ الْمُلْكُ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ (1) الَّذِي خَلَقَ الْمَوْتَ وَالْحَيَاةَ لِيَبْلُوَكُمْ أَيُّكُمْ أَحْسَنُ عَمَلًا ۚ وَهُوَ الْعَزِيزُ الْغَفُورُ “
Sababta labbaadna waxa ay tahay, maba ka fekerno in aynu leenahay ammin xadidan oo aan lahayn lama dhaafto.
“إِنَّ أَجَلَ اللَّهِ إِذَا جَاءَ لا يُؤَخَّرُ لَوْ كُنْتُمْ تَعْلَمُون”
Bal haddana ogow, in noloshaada aad u baahantahay is-beddel midho dhala, mana aha is-beddelka nolosha iyo gaadhida guushaada, in aad ku qiimayso wixii shalay kaa xumaaday iyo duruufta nololeed ee aad maanta ku nooshahay. Lagmana qiyaas-qaadan karo qofka aad noqon doonto berri. Waxa muhiim ah intaad bog cusub furato, adiga oo Alle talo saaranaya,beerato timaado ka madax bannaan khaladaadkii shalay.
Isbeddel waa lagama maarmaan, beddel sidii aad u fekeri jirtay, sidii aad wax u arki jirtay, wixii aad ku qanci jirtay iyo guud ahaan sidii aad u noolaan jirtay.
Himilo,higsi,hammi sare iyo sannad horusocod leh insha Allah.
     ——–Eng-ismael Kashckah

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker