Ciidamada Suuriya Oo Si Buuxda Ula Wareegay Dimishiq

Ciidamada dalka Suuriya ayaa waxa ay sheegeen in imika gabi ahaanba ay la wareegeen magaalada Dimishiq iyo dhammaan goobaha ku xeeran. Ciidamada madaxwayne Assad ayaa ku dhawaaqay in ay dagaalka ku guulaysteen ka dib markii ay dib u qabsadeen goobtii ugu dambeysay ee ay haysteen kooxda IS taasi oo ku taalay Koofurta Dimishiq.

Ciidamada dowladda ayaa galay Yarmouk oo mar hoy u ahayd 150,000 oo ah qaxooti Falastiiniyiin ah. Mar sii horreysay ayaa waxaa la arkayay gawaari Basas ah oo wada qaar ka mid ah dagaalyahanada IS iyo qoysaskooda.

Dagaalyahanadani iyo qoysaskooda ayaa goobtaasi uga baxay heshiis lala gaaray. Waa markii ugu horreysay tan iyo 2012 oo cidamada Suuriya ay gacanta u wada gasho goobaha ku xeeran caasimadda Dimishiq. Dagaalka Suuriya oo socday in ka badan 7 sano ayaa waxa ku dhintay kumannaan qof halka ay ku barakaceen kumannaan kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker