Ciyaar Kama Dambays Ah Ayaa Mar Labaad La Baajiyay+Maxay Tahay Sababtu.

Ciyaartii kama dambaysta ahayd ee koobka Copa Libertadores ee dib loogu soo dhigay Axaddii ayaa haddana mar kale baaqatay.

Rabshado dhex maray labadan kooxood ee kala ah Boca Juniors iyo River Plate ee xifaaltanka wayn uu ka dhaxeeyo oo ka dhisan Argentina ayay ciyaar kululi dhex mari lahayd Sabtidii balse dib ayaa loo dhigay.

Taageerayaasha kooxda River Plate ayaa weeraray Baskii ay saarnaayeen ciyaartoyda naadiga Boca Juniors kaas oo ku sii jeeday garoonka River ee Monumental.

Ciyaarta ayaa 24 saac dib loogu dhigay Axaddii balse markii ay saddex saac ka dhiman tahay wakhtigii dambe ee la isu balamiyay ayaa haddana mar kale la baajiyay ciyaarta.

Go’aanka ku saabsan in ciyaartan maalin kale loo cayimayo ayaan wali la shaacinin.

booliis

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker