Wacdarihii Xalay ee Yicaartii Man United Iyo Barcelona ee Altraford Studium

London (OWN) Manchester United ayaa qaybtii hore ka cabatay go’aan uu garsoore Gianluca Rocchi ka qaatay khalad uu difaaca Barcelona ee Gerard Pique ku galay da’yarka dhexda ka ciyaara ee McTominay oo ku jiray diilinta goolka hortiisa.

Daqiiqaddii 30aad ayaa kubbad uu dhinac bidix kala yimid, waxa uu McTominay kala soo dhex-baxay laba ciyaartoy, ka hor intii aanay iska hor imanin Pique oo isaguna jilibka u dhigay markii uu kubadda dhaafsaday, sidaana waxa dhulka ugu dhacay laacibka Manchester United, laakiin garsoorihii Talyaaniga ahaa ee ciyaarta dhexdhexaadinayey ayaan khalad ku dhigin Barcelona.

McTominay iyo qaar ka mid ah ciyaartoyga United ayaa ku dooday inay ahayd rikoodhe oo uu garsooruhu u qaban waayey, laakiin waxa go’aanka Rocchi taageeray garsoorihii hore ee Andujar Oliver oo xalay fadhiyey istudiyaha idaacadda Marca ee xarunteedu tahay waddanka Spain.

Andujar waxa uu sheegay in garsoore Rocchi uu ku saxsanaa go’aanka uu qaatay maadaama uu McTominay isasii tuuray markii uu Pique jilibka u dhigay.

“Garsooraha Talyaaniga ah wuu ku saxsanaa inaanu rikoodhe ku abaal-marinin. Pique wuxuu isku dayey inuu dayey inuu lugta ku riixo laakiin dhexda Scottish-ka ahi wuu sii buunbuuniyey dhicistiisa.” Sidaas ayuu yidhi garsoore Andujar Oliver.

Si kastaba ha ahaatee, Barcelona ayaa guul ku gaadhay garoonka Old Trafford waxaanay 1-0 ku garaacday Manchester United oo toddobaadka dambena ay isku haleeli doonaan garoonka Camp Nou.

   

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker