Wasiirka Arrimaha Debedda Somalia oo Kulan Xog waraysi ah Muqdisho ku La Yeeshay Safiir Tarsan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar,

Ayaa maanta oo Isniin ah kula kulmay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Jamhuuriyadda Kenya,

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan kadib markii loogu yeedhay shalay oo Axad ahayd inuu dalka dib ugu soo laabto, si loola yeesho wadatashi ku qotoma xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka Arimaha Dibada iyo Iskaashigaaalamiga ayaa talooyin iyo tilmaamo siiyay Safiirka si uu u fuliyo, lana socdo, halka Danjire Maxamuud Tarsan uu wasiirka uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay.

Waxaa xusid mudan in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ugu yeedhatay Safiirkeeda Nairobi wadatashi, halka Safiirka Kenya ay ku wargelisay in uu dib ugu laabto dalkiisa, iyadoo ka jawaabeysa faragelinta qaawan ee kenya ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa dalka ka cerisay Safiirkii dalka Kenya u joogay Magaalada Muqdisho Lucas Tumbo,

 

Halka dowladda ay u yeertay Safiir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo soo gaaray Caasimadda dalka ee Muqdisho, waxaana dowladda Soomaliya ay Kenya ku eedeysay ay fara-gelin ku heyso arrimaha maamulka Jubbaland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker