Koox Hubaysan Oo Muwaadin Soomaali Ah Ku Dilay Magaalada Nairobi

Kooxo Burcad ah kuna hubeysnaa bustoolado ayaa muwaadin Soomaali ah  ku dileen xaafadda Pumwani ee deegaanka Kamkunji ee magaalada Nairobi ee dalkaasi Kenya.

Dilka muwaadinka Soomaali ah  ayaa ka dambeeyay kadib markii ay wada murmeen Muwaadinka Soomaaliga ah  & Kooxaha Burcadda ah oo doonayau inay dhacaan.

Kooxdii Burcadda aheyd ee ka dambeeyay falkaasi dilka ah ayaa goobta ka baxsaday, waxaana goobta tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Kenya luwaas oo doonayay inay qabtaan Burcadda balse aanay  ku guuleysan.

Saraakiil katirsan Booliska Kenya ayaa Warbaahinta u sheegay in ay wadaan baadhitaano dheeri ah oo ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Kooxda Burcadda aheyd ee ka dambeeyay falkaasi dilka ah.

Degaannada hoostaga Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa kusoo batay falalka Amni darro, iyada oo Bulshada ay ka cabanayaan Kooxaha Burcadda ah ee dhaca u geeysanaya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker