Tallo ku socota Qaban-qaabiyayaasha isku-imaatinka Xafladdaha Qalinjebinta Jaamacaddaha

Billaha soo socda waxa la rajeynayaa in dad aad u badani ay ka qeyb geli doonnaan xafladdaha qalinjebinta”iyaga oo farxadda la qeybsanaya ubbadkooda,ehelkooda iyo asxaabtooda intaba”Dad badan in ay xaflad qalinjebin ka qeybgallaan waxey u tahay fursad halmar nolosha oo dhan ah.berrigii aan ka baxney dugsiga hoose/dhexe xafladdaha noocan oo kale ah maanu helin jirin,haddana ardeyda waa la sagootiyi jirey.dufcado badan oo wakhtiyo horre jaamacaddaha adduunka iyo dalkaba ka baxey in badan oo ka mid ahi waxeybaย ย shahadadooda ka qaateen xafiiska Jaamacadda amma boostada(post office)ย oo loogu soo direy, iyada oo aan loo qaban wax xafladd ah.Markii aan Dhammeeyey 1st (Degree-ga)ย waxaan shahaadada u doontey xafiiska Jaamacadda qeybta shahadooyinka bixisa,in aad si dhab ah wax u baratey ayaa ka muhiimsan in Dharka astaanta u ah qalin jebinta madaxa lagu saaro adiga oo aan aqoon buuran laheyn.

waxbarashadaย ย maantu waxey beryihii horre kaga duwan tahay xafladdo badan oo qalin jebin amma munaasibado badan oo xaflad ah oo aan kala go,laheyn inta ardeygu ku jiro waxbarashada nololeed,kuwo badan xafladdii ugu horreysey waxa kala qeyb waallidoontood oo keenay iyaga oo yar yar,iyaguna waxa ay mar kale xafladdo kala qeyb galleen ubbadkoodii,waxeyna soo noqdeen guddida loo xuley in ay ardeyda guddoonsiiyaan shahadooyinka ugu danbeyna waxa ay nolol ku gaadheen in ay arkaan wiilka,wiilkiisii oo qalin jebinaaya,dhanka kale iyadana dad badan oo nool ayaan weligood xaflad qalin jebin ka soo muuqan cidna u qalin jebin.Markaadse Shahaadaba nici doontaa waa markaad la kulanto qof ku yidhaahda qaxii iyo dagaalladiiย ayaan guriga kaga cararey dibna uguma noqon shahadooyinkeygii oo dhan.

waa maxey baahida loo qabo xafladd qalin jebinย ย waa su,aal aad is weydiin karto,sidoo kale Tayada Xafladda in la is weydiiyaa waa mid meesha ku jirta,Maxaa Sannadkan ku cusbaa dhanka agaasinkeeda,hawlaha farsamo dhiska hal-abuur cussubka iyo qorshaha agaasinka bandhiga guud ahaan sida soo jeedimaha hadalada dadka.mar walba fikrado cussub iyo aragti cussub waa in lagu soo kordhiyaa habka loo agaasimo xafladdaha qalin jebinta,intii horre uun haddii lagu soo celceliyo waxey iska noqon doonnaan wax laga xiiso dhaco,macnaha nuxurfka laftiguna ka guuro,si isku mid ah,wax isku mid ah,dad isku mid ah iyo hadalo isku mid ah waan ka daali doonna,waxaana dhiman doona xiisaha ardeygeena jaamacadda dhameynayaa u hayo in uu xafladdaasi arko amma helo(the death of Graduate rites).

si loo illaaliyo macnaha iyo nuxurka xafladda qalin jebinta,dareenka ardeygana loo soo celiyo talooyinkan ha lagu daro qabashada xafladda

  1. ugu Horreyn waa in la ogaada in xafladdu ay tahay mid ardeydu ay leeyihiin,iyagana loo qabtey,sidaa darteed waa in ay ardeyduย hellaan fursad ay ku hadlaanย oo kulliyadaha kala duwan ardeyda ugu sarreysa la siiyaa daqiiqado ay ku hadlaan dareenkooda waxbarashada iyo mustaqbalkana kaga hadlaan
  2. Keliya waa in laga hadlaa fikradaha ardeyga ka gargaaraya in uu xaaleeyo nolosha mustaqbalkiisa
  3. xilliga xafladda waxa dhacda in dad siyaasadd ahaan aan is ogoleyn lagu soo wada casuumo xafladda qalin jebinta,kuwaasi oo hadalo kulul iyo dhalliil xafladda dhexdeeda iskugu jeediya ama si sarbeeb ah isugu dura,dadyowgaasi waa in aan ardeyda la hor keenin.
  4. Maan garan waxa xafladdaheena qalin jebinta Caaqilada,salaadiinta iyo Siyaasiyiinta maryaha dhiiga leh kala furtey loogu soo wada casuumo
  5. Waa in laga soo jeediyaa Khudbad dhallinyarta dalka taabaneysa oo wax u tareysa
  6. Dadka lagu soo casuumayaa waa in ay noqdaan khubaro aqooneed sida ganacsato,dhakhaatiir,maamulayaal iyo bahda waxbarashada oo keliya
  7. agaasimayayaasha iyo maamulayaasha shirkadaha dalka ee aqoonta leh isla markaasina ardeyda shaqo abuur u sameyn kara waa in ay qeyb ka noqdaan oo ay ardeyda hor yimmaadaan
  8. Annigu waxaan arkaa Ardey meel iska fadhida iyo Niman mararka qaar tukaraq ugu sheekeynaaya.
  9. Hal-abuur cussub,iyo cilmi baadhis ha lagu sameeyo hannaanka loo agaasimo xafladdaha qalin jebinta wax badan Ayaa anniga ila khaldan

ย 

Eid Wanaagsan

ย 

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.co

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker