Madaxweynaha JSL Oo Soo Xidhay Shirkii 7aad Ee Golaha Dhexe Khudbadana Jeediyey
Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in mudnaanta koowaad ee xukuumadda uu hoggaamiyaa yahay ilaalinta qarannimada iyo madax-bannaannida Somaliland, islamarkaana aan cidna looga habranaynin difaaca qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, “Mudnaanta koowaad ee xukuumaddu waa inay ilaaliso madax-bannaanida iyo qarannimada Somaliland oo aanay culays kasta oo yimaadda, hadduu yahay mid siyaasi ah, mid ciidan iyo mid dhaqaale oo lagu gacan-maroojinayo aanay u dhaqaaqin oo ay lasoo istaagto madax-bannaanida qaranka, xukuumad ahaanna taasaanu isu taagaynaa, nin kasta oo ciidan badan leh, nin kasta oo qumbulo-durriyo leh iyo cid kasta oo lacag badan leh, midna looga habran maayo qarannimada Somaliland madax-bannaannideeda,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Halkan hoose ka daawo