Ku dhawaad 120 qof Oo Tahriibayaal  Ah Ayaa Laga Badbaadiyey Xeebaha Turkiga

Ilaaladda Xeebaha Turkiga, ayaa badbaadiyay 117 qof tahriibayaal  ah kuwaas oo dul sabaynayey biyaha Badweynta “Aegean sea.” meel ka baxsan gobolka galbeedka Turkiga ee Izmir, laba dhacdo oo kala duwan ayay soo tebinayaan militarigaTurkiga, ka dib Markii ay ogaadeen doon ay ka buuxaan Dad Tahriibayaal ah oo dul sabanaya meel ka baxsan degmada Cesme.

diyaarad kuwa sahanka ah oo ka tirsan Ilaaladda Xeebaha Turkiga, ayaa helida dadkan ku wargelisay doomaha kormeeraya biyaha badda, kuwaa oo soo badbaadiyay 94 qof oo tahriibayaal ah .

Isla cutubyo ka tirsan ilaalada Xeebaha Turkiga, ayaa waxay soo badbaadiyeen Doon siday 23 qof oo tahriibayaal ahaa, kuwaas oo dul sabanayay meel ka baxsan degmada Dikili.

Hubin ka dib, waxaa la sheegay in dadkan tahriibayaasha ah lagu wareejiyay hay’adda socdaalka ee gobolka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker