Dagaal Markale dhexmaray Ciidamada Somalia iyo Kenya
Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa iska hor imaad markale ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ku dhex-maray xuduud ka labada dal, gaar ahaan duleedka degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.
Dagaalka oo ahaa mid kooban ayaa la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isaga oo markii dambe istaagay, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay.
Sidoo kale illaa iyo hadda si dhab ah looma oga wax sababay is-rasaaseynta labada ciidan oo muddooyinkii dambe dhaq-dhaqaaqyo ka waday xadka Soomaaliya & Kenya.
Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, welina ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Kenya.
Si kastaba waa markii labaad oo uu iska hor imaad toos ah uu dhex-marayo ciidamada ay dowladdu geysay gobolka Gedo iyo kuwa Kenya ee ku sugan duleedka Beledxaawo.
Arrintan ayaa sidoo kale ku Soo Aadaysa xilli dhowaan ay Kenya ku hanjabtay inay jawaab kulul ka bixin doonto, haddii uu dagaal uga yimaada dhanka ciidamada Soomaaliya.