Muwaadin Soomaali Ah Oo U Geeriyooday Dhaawac Ay U Gaysteen Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika

Magaladda Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa habeenkii  xalay   ku geeriyooday Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka halkaas ku leh goobaha Ganacsiga, siweyna looga yaqaanay dalkaas.

 

Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Dalnuurshe, waxaana uu u geeriyooday dhaawac Culus oo maalmo kahor ay u geysteen Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika.

 

Dalnuurshe ayaa la tilmaamay inuu kamid ahaa dhalinyarada aadka u firfircoon ee kunool xafadda Mayfair ee dalka Koonfur Afrika, sidoo kalena waxaa uu la shaqeynayay Jaaliadda Soomaaliyeed ee xaafadda Mayfair.

 

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu yahay Dal dhibaatooyin kala duwan loogu geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoona sanadkaan gudihiisa lagu dilay Muwaadiniin Soomaali ah oo dalkaas ku lahaa goobo Ganacsi, sidoo kalena boob loo geystay goobo kale.

Allaha u naxariisto Marxuum  Cabdinaasir Dalnuurshe

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker