Dad ku dhaawacmay weerar laguq aaday Talaabiib

Toddobo qof ayaa ku dhaawacantay oo saddex ka mid ah dhaawacoodu u culusyahay kadib markii baabuur la jiirsiiyay iyo toori lagu weeraray magaalada Tel Aviv ee Israa’iil.

Qofka Weerarka qaaday ayaa ka degay gaarigiisa oo isku dayay in uu tooriyeeyo dad rayid ah sida ay boolisku sheegeen

Booliiska Israa’iil oo warfidiyeenada kula hadlayay goobta uu weerarku ka dhacay ee Tel Aviv waxay ku tilmaameen weerar argagaxiso.

Afhayeen u hadlay booliska ayaa yiri: “Shaqsi ayaa gaarigiisa ku jiirsiiyay dad shacab ah oo ku sugnaa goob ay dad shacab ah ku sugnaayeen, waxaana u suurtagashay inuu dhaawaco 7 qof oo shacab ah, wuxuuna ka degay gaarigiisa, wuxuuna bilaabay inuu isku dayo inuu tooriyeeyo dadkii ka ag dhawaa.

“Nasiib wanaag waxaa jiray qof rayid ah oo hubeysan, wuxuuna ku guuleystay inuu ka takhaluso argagixisada.”

Dhanka kale warrakii ugu danbeeyay ee weearrka ay israel ku qaaday Jenin ayaa Waxaa lagu dilay 10 qof oo Falastiini ah uu ka mdiyahay wiil dhallinyaro ah sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in 120 qof ay ku dhaawacmeen oo ay ku jiraan ku dhawaad ​​20 ruux oo dhaawacyo halis ah ay soo gaareen

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker