Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo La ogaaday Qaababkuu u Qaarajiyo Shakhsiyaadka ka soo horjeeda

Hay’ad ka howlgasha Kuuriya Koonfureed ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan 318 goobood oo ay Kuuriyada Waqooyi ay u isticmaasho dilka dadka mucaaradka ah ama dembiyada lagu eedeeyo.

Hay’adda ayaa waraysatay 610 qof oo ka soo cararay Kuuriyada Waqooyi, afartii sano ee la soo dhaafay.

Waxaa la diiwaan geliyay dilalkii dhacay muddo toban sano ah. Dembiyada ugu badan ee dadka lagu eedeeyay waxaa ka mid ah xatooyada lo’da iyo daawashada telefishinka Qaranka ee laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed.

Goobaha fagaarada ee dadka lagu dilo waxay ku yaallaan agagaarka wabiyada, suuqyada iyo garoomada ciyaaraha.

Dadweyne gaaraya kun qof ayaa yimaada goobahan lagu dilayo dadka. Goobjoogihii ugu da’ada yaraa ayaa la sheegay inuu ahaa 7 sano jir.

Sidoo kale, qaar ka mid ah dilalkan ayaa ka dhacay gudaha xabsiyada iyo xeryaha shaqada halkaas oo dadka ku jira badanaa lagu soo qabto falal “dembiyeedyo” aan aad u fudud, kuwaas oo ay ku muteysteen jir dil.

Mid ka mid ah dadkii lagu hayey xarumahaas horraantii 2000, kana soo cararay ayaa sharaxay sida 80 qof oo maxaabiis ahaa loogu qasbay in ay dawadaan saddex dumar ah oo la dilay ka dib markii lagu eedeeyay in ay isku deyeen inay u baxsadaan Shiinaha.

 

Warbixinta ayaa sheegaysa in dilalka looga gollahaa in shacabka lagu abuuro cabsi ayna dadweynaha ka qayb qaatan ama u hoggaansamaan nidaamka jira.

Kooxda fulisa dilalka toogashada ah iyo daldalaadda

Inta badan dilalka waxaa loo fuliyaa si wadajir ah, sida ay ku warrameen dadkii ka soo badbaaday dilalka. Waxaanna dadka la soo eedeeyay toogashada ku fuliya 3 qof.

Qaar ka mid ah dadkii su’aalaha la weeydiiday ayaa sheegay in mararka qaar dadka toogashada fuliya ay u muuqdaan kuwa sarqaansan.

Mid ka mid ah ayaa sheegay “sababta ay u sarqaansayihiin dadka toogashada fuliya ay tahay in ay dareen ahaan adag tahay fulinta falkaas”.

Waxaa sidoo kale la soo weriyay kiisas aan badneyn oo meel fagaara ah daldalaad lagu fuliyay, inkastoo Hay’adda ay sheegtay in hadda ay yaraadeen amaba gebi ahaanba la istaajiyay dilalkaasi, tan sannadkii 2005-tii.

Ethan Shin, oo ka mid ka mid ah qoraayaasha warbixintan ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ay u muuqato inay yaraadeen dilalka ka dhaca goobaha fagaaraha ah, balse ay suuragal tahay in xukuumadda Pyongyang ay si qarsoodi ah u fuliso dilalka lagu fuliyo dadka looga shakiyo in ay mucaarad ku yihiin dawladda, sababtoo Kuuriyada waqooyi waxay hadda raadinaysaa in caalamka uu u aqoonsado waddan la mid ah waddamada kale.

 

Waxaa horay loo dilay saraakiil sarsare oo ka tirsanaa xukuumadda Kuuriyada Waqooyi. Sannadkii 2013-kii hogaamiye ayaa lagu soo edeeyay “qiyaano qaran”.

Isla sannadkii 2013-kii fannaanad caan ah oo lagu magacaabo Hyon Song-wol ayaa la sheegay in meel fagaara ah lagu dilay, balse sannadkii 2018-kii ayaa dib loo arkay iyadoo ka mid ah wafdigii booqanayay magaalada Seoul ee Kuuriya koonfureed ka hor cayaarahiihii qaboobaha.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker