Dowladda Somaliland oo Go’aan ka soo saartay Wada-shaqaynta Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Caalamiga ah oo ay digniin u dirtay

Hargeysa (OWN)- Dowladda Somaliland, ayaa baaq digniin ah u dirtay beesha Caalamka ee wada-shaqayntu ka dhaxayso iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee Gargaarka ee ka hawl-gala dalka, kuwaas oo ay u soo jeedisay inay dhowraan isla markaana ilaaliyaan Qaranimada Somaliland kuna shaqeeyaan Qawaaniinta iyo Xeerarka dalka u dejisan.

 

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, waxa maanta fadhigoodii 51aad isugu yimi Golaha Wasiirrada oo uu shir-guddoominayey Madaxweyne Muuse Biixi oo uu weheliyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxaan Saylici, waxaana shirka lagu go’aamiyey inaanay hay’adaha caalamiga ah dalka ka fulin karin mashruuc aanay oggolaanshihiisa ka haysan jamhuuriyadda Somaliland, mashruuc aan lala socodsiin hay’adda ku shaqada leh laga fulin karin.

 

Go’aanka maanta ka soo baxay dowladda Somaliland ayaa noqonaysa markii labaad ee xukuumaddu saluug ka muujiso wada-shaqaynta ka dhaxaysa Beesha Caalamka iyo hay’adaha gargaarka bixiya ee ka hawl-gala dalka.

 

Warkan oo Faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker