Al-Shabaab oo weerar culus ka fulisay KENYA

Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal ku qaaday saldhig ay ciidamada Booliska Kenya ku leeyihiin deegaanka Konton oo u dhow degmada Qorof-xaraar oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee wadankaasi.

Madaafiicda qaar ayaa waxa ay ku hoobteen gudaha saldhigga ciidamada la weeraray, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah.

Sidoo kale war ka soo baxay Al-Shabaab oo looga hadlay duulaankaasi ayaa waxa ay ku sheegtay inay khasaare gaarsiisay ciidanka Kenya, balse ma cadeyn inta uu la’egyahay.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana la sheegay ciidamada dalka Kenya ay weerarka kadib dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen deegaannada u dhow xadka Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Kenya oo ka hadlay weerarkaan waxay shaaciyeen in ay ka hortageen, ayaga oo intaasi ku daray inay ku raad joogaan raggii ka dambeeyey.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro khasaare geysta ka fulisa gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari oo xuduud dheer la leh Soomaaliya.

Weeerarkaan cusub ayaa ku soo beegmaya, ayada oo dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ay kordhiyeen weerarada ay ku hayaan Soomaaliya & dariskeeda, waxaana ugu dambeeyey duulaankii ay dhowaan ku qaadeen dalka Itoobiya, gaar ahaan dhulka dowlad deegaanka.

Si kastaba, dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa ka mid ah wadamada ka qayb-qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxa ayna ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker