Labiska haweenay weriye ah oo muran badan ka dhaliyay Dalka Sucuudiga.

Dowladda Sucuudiga ayaa baadhitaan ku haysa haweenay wariye ah oo si aan waafaqsanayn sharciga u labisatay xilli ay tabinaysay barnaamij toos ah oo looga hadlaayey xayiraadda laga qaaday dumarka wada gawaadhida.

Shireen al-Rifaie ayaa muuqaal laga duubay ka dib markii ay dhar ay wadatay ay dabeesha kor uuga feeyday , kaddibna ay soo muuqdeen dharkii hoose ee ay xidhnayd.

Shireen al-Rifaie

Muuqaalka ayaa muran badan ka dhaliyey baraha bulshada , iyagoo isticmaalaya hal kudhigga ah ” haweenay qaawan”

Ms Rifaie, oo u shaqeyso telefishinka Al Aan TV, oo uu saldhigiisa yahay Dubai ayaa beenisay inay samaysay wax khalad ah.

Dowladda ayaa muddo tobonaan sano ah hirgelinaysay sharciyo adag oo ka dhan ah sida ay haweenka u labistaan, haweenka ayaa looga baahanyahay inay xirtaan dhar asturaaya jirkooda oo dhan.

Balse bishii Maarso dhaxal sugaha boqortooyada bin Salman ayaa shaaciyey in dumarka kaliye looga baahanyahay inay u labistaan si xushmadaysan aysanna qasab ku ahayn inay xirtaan cabaayadaha ama saakooyinka waa weyn.

“Sharciga waa mid cad ,sidii lagu sheegay diinta Islaamka ,dumarka waa inay u labistaan si xushmad leh ,hufan”, ayuu ku yiri dhaxal sugaha boqrtooyada Sucuuda telefishinka CBS

“Hase yeeshe , go’aanka ugu dambeeya waxaa leh dumarka ,maxaa yeelay iyaga ayaa garanaya waxa ay doonayan inay xirtaan iyo sida ay raban inay ugu labistaan dharkooda”

Sarkaal ka tirsan warbaahinta qaranka ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray maalintii Talaadada ahayd inay baarayaan muuqaalka.

Ms al-Rifaie ayaa diiday eedaymahaas.

“Waxaan xirnaa dhar asturan,Ilaahay ayaana runta og” ayey tiri Ms al-Rifaie.

Waxayna hadda Ms al-Rifaie ku soo laabatay Imaaraatka, sida ay sheegtay warbaahinta Ajel.

(BBC)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker