Booliska Kenya Oo Gacanta ku Dhigay Saddex Qof oo Loo Heysto Afduubka Haweeney Talyaani ah.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay gacanta ku heyso Saddex ruux oo lagu tuhunsan yahay inay kaalin ku lahaayeen Afduub 20-kii bishii November sanadkii 2018 loo geystay Silvia Romano oo ah Haweeney ka shaqeysay arrimaha bini’aadanimadda.

 

Qoraal ka soo baxay booliska dalka Kenya ayaa lagu shaaciyay magacyada Saddexdan qof oo kala ahaa Ibrahim Adan Omar, Abdulla Gababa Wario iyo Moses Luwali Chembe, kuwaasoo wajahaya Su’aalo weydiin, iyadoo lagu balamay in inta u dhexeysa 14-ka ilaa 20-ka bishan November laguda galo dhageysiga Dacwadda loo heysto.

 

Sadaxdan qof ayaa hada lagu hayaa mid kamid ah xabsiyada ugu waaweyn ee dalkaasi Kenya, halkaasoo ay ka socoto baaritaano la xiriirta qaabka uu u dhacay Afduubka.

 

Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen afduubkan, kaddib markii ay toogasho ku dileen askar ilaalo u ahayd Haweeneydan xilligii laga afduubanayay deegaanka Malindi, waxaana lala aaday dhanka Soomaaliya, halkaasoo lagu haysto.

 

Dowladda Kenya ayaa iska diiday iney wax madax furasho ah ka bixiso Haweeneydan Macalimada eheyd ee sida lacag la’aanta ah wax ku barto Carruurta, waxaana ay horay ugu hanjabtay iney soo furaneyso.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker