BAYAAN KU SAABSAN WADAHADALADA SOMALILAND IYO SOMALIA

Somaliland Global Diaspora Forum, oo ah madal ay ku midaysan yihiin xubno ka mida qurbajoogga reer Somaliland oo kala jooga dalal kala duwan oo caalamka ah, waxay xog-raadin iyo wada-tashi ka sameeyeen arrimaha wadahadalada Somaliland iyo Somalia, iyaga oo diiradda saarayey kulanadii hore u qabsoomay natiijooyinkii ka soo baxay iyo waxa laga filan karo wadahadallo cusub oo ku sii socda jidkii hore, haddaba waxaa kulanadayadaas nooga soo baxay:

  1. In kulanadii hore ee soo socday muddo ku dhow toddoba sano aan wax natiijo ah laga gaadhin, taas bedelkeeda aan la dhaqangelinin heshiis kasta oo la gaadhay.

  2. In Xukuumadda Soomaaliya aanay daacad ka ahayn wadahadalada taas oo ay markhaati u noqon karto xubnaha ay u xulatay wadahadalada oo ah kuwo loo haysto eedo kala duwan oo ay ka galeen Somaliland.

  3. In Dawladda Somalia aanay lahayn qorshe qaran oo ay ku gasho wadahadalada, sidoo kalena aanay daacad ka ahayn midnimada ay raadinayso taas bedelkeeda ay ka shaqaynayso arrimo sii kala fogaynaya labada shacab ee Somaliland iyo Somalia.

  4. In Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somalia uu ku hawlan yahay inuu la macaamilo madaxdhaqameedka iyo ganacsatada Somaliland, si uu u hareer maro nidaamka dawliga ah, arrintaas oo burburinaysa kalsoonidii ay soo dhiseen madaxdii ka horraysay xukuumadda haatan ka dhisan Somalia.

  5. In Dawladda Somaliland aanay lahayn wax qorshe ah oo bulshadu ogtahay oo ku aaddan wadahadalada iyo sida loo waajahayo natiijo kasta oo soo bixi karta.

  6. In Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia oo haatan doorweyn ka ciyaaraya wadahadalada labada dhinac, inuu fududaysanayo arrimaha dhexyaalla Somaliland iyo Somalia, isla markaana uu u arko arrin si degdeg ah loo dhamayn karo, taas oo horseedi karta xasilooni darro, haddii wax khaldamaan.

  7. In Wadamada Beesha Caalamku inay hawlohooda ku koobeen inay daaha dabadiisa ka taageeraan.

Haddaba Golaha SGDF wuxuu soo jeedinayaa baaqan:

  1. Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo joojiyo wadahadalada,

    1. Si wakhti loogu helo in madaxda labada dhinac ay la dagaalamaan oo u xakameeyaan xanuunka COVID-19 ee haatan ka dillaacay Somaliland iyo Somalia.

    2. Si fursad loo siiyo in shacabka Somalia ay soo doortaan xukuumad cusub oo geli karta wadahadal, maadaama xukuumadda haatan joogta uu wakhtigeedii dhammaanayo sannadkan.

    3. Si wakhti loo siiyo in shacabka Somaliland ay soo doortaan gole baarlamaan oo la socon kara arrimaha wadahadalada, maadaama sannadkan dhammaadkiisa la filayo inay Somaliland qabato doorashada Baarlamaanka.

  2. Waxaan ugu baaqaynaa Somalia inay joojiso qorshaha kala furfurka ee ay ugu gacan haadinayso cid kasta oo ka soo horjeedda Somaliland, taas oo soo celin karta nacayb iyo cadaawad cusub oo labada shacab dhex marta.

  3. Waxaan ugu baaqaynaa Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia ee ku guulaystay jaa’isadda Nabadda, inuu ka shaqeeyo tallaabooyin taageeri kara xasiloonida gobolka, ee uu ka taxadiro in la fududaysto arrimaha dhexyaalla Somaliland iyo Somalia ee la dhamayn kari waayey muddo soddon sano ah.

Fiiro-Gaara: Xog-ta oo faahfaahfan, fadlan ka akhriso Bayaanka Golaha ee Dhamayska Tiran.

Allaa Mahad Leh

Guddida Sare ee Golaha SGDF

  1. Khadar Axmed Xasan        France    globalsomaliland@gmail.com 

  2. Maxamuud Haid (Qori)        Canada    Mhaid911@gmail.com 

  3. Axmedfure                Canada    axmedfure@gmail.com 

 

Official contact email of Somaliland Global Diaspora forum: 

globalsomaliland@gmail.com

https://www.facebook.com/Somaliland-Global-Diaspora-Forum

https://www.twitter@globalDiaspora1

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker