Fayraska Covid-19 Ma qaabayn doonaa wacyiga iyo dareenka bani’aadmtinnimada ee hoos u dhacay?

Waxa aynu dhammaanteen ka wada dheregsannahay, in fayraska Covid19 uu gaadhsiiyey dhibaatooyin hor leh shacab iyo dawlado tiro-badan. Bilo kooban ayuu gilgilay dunida oo dhan, waxa uu keenay baqdin, cidhiidhi iyo argagax aan mid la jaad ahi dunida hore usoo marin.

Wuxu ku qasbay dawaladaha in ay qaataan go’aamo deg-deg ah oo qariib ku ah nolosha caadiga ah. Waxa uu jideeyey xeerer cir-ka-soo dhac ah oo aan hore loo baran.

Fayras aanay suuragal ahayn in lagu arko eegmada caadiga ah, ayaa keensaday in uu guryaha ku handaraabo malaayiin shacab ah oo ku kala nool daafaha dunida!!

Fayras il-ma’ aragtay ah ayaa ku sababay dawlado waawayn in ay nafahooda la baxsadaan isla markaana ay ku mashquulaan la daggaalanka iyo ka wacyi-galinta xanuunkan, si loo ilaaliyo badqabka caafimaadka shacabka.

Fayrsakani waxa uu soo celiyey kala horaysiinta baahiyaadka shacabka, sida ilaalinta iyo ka warhaynta caafimaadka dadka, arintaas oo aan hore loo siin jirin muhiimad gaar ah.

Fayraskani waxa uu kacdoon dhab ah ku keenay nidaamka caalamka, sida kala xidhanka dhaqaalaha, ganacsiga iyo bulshooyinka. Waxa uu kaga yaabsaday dawlado iyo dadyow badan, sida deg-dega ah ee uu ku faafayo iyo isbeddelka joogtada ah ee ku hayo noloshii dabiiciga ahayd.

Dawlado badan ayaa iclaamiyey xaalad deg-deg ah xanuunkan awgii. Waxa ay ka digeen halista isu socodka dadyowga, iyagoo joojiyey safarada hawada, badda iyo kuwa barrigaba. Sidoo kale waxay joojiyeen isu imaatinka goobaha bulshadu ku kulanto. Waxa albaabada loo laabay; goobahii waxbarashada, masaajiddii, hudheeladii iyo goob kasta oo lagu kulmo. Madaxwaynayaal badan ayaa hakiyey ballamo iyo booqashooyin rasmiya.

 

Iyada oo waxaas oo dhacdooyin ah uu fayrsakani ku keenay bulshooyinkii caalamka, suurtagal ma tahay in basharku xanuunkan uu ka barto casharro bani’aadamtinnimada ku saabsan.

Suuragal ma tahay, in fayrskani uu innagu baraarujiyo dareenka bani’aadamtinnimada iyo qiimaha insaanka oo casrigan innaga hallaabay.

Xanuunkan dadkii ku qasbay in ay guryaha hoos joogaan, suuragal ma tahay in uu inna baro dhadhanka go’doonka. Ma inna dareensiin karaa nolosha ay ku sugan yihiin malaayiinka ku go’doonsan dunida sababo dagaallo iyo cunsuriyeyn awgeed. Xanuunku ma inna dareensiiyey go’doonka reer Qaza oo 14sanno dunida ka xidhan. Ma dareentay xanuunkd Go’doonka haysta Suuriya, Uighur, Rohingya iyo Burma, ee ay u dheer yihiin dilka iyo saaruukhyada lala dhacayo hadh iyo habeen.

Suuragal ma tahay in uu xanuunkani innaga dhigo dad waaqici ah, oo ku baraarugsan isu- naxariisashada, dareenka bani-aadamtinnimada, karaamada, sinnaanta iyo qiimaha basharka.

Ma ka baran karnaa fayraskan, in kawnkan maamulkiisu uu ku jiro gacanta ilaahay, sida uu doono uu ka yeeli karo. Ma rumaysan karnaa calaamadaha ilaahay iyo waynida Eebbe SWC.

 

Sideedaba, waxa aynu ka barannaa tijaabooyinka bani-aadamku sameeyo; adduunka in aanu ka dhicin shar badhax tiran oo aan khayr lahayn. Labadii dagaal ee adduunka ka qarxay, waxa aynu ka barannay “macnaha xaquuqda bani-aadamka” sidoo kale waxa aynu ka faa’idnay khasaaraha dagaalka iyo dheefta nabadgalyada. Hirgalinta heshiisyo caalami ah oo ku qotoma ilaalinta xaquuqda bani-aadamka ayaa laga dhaxlay labadaas dagaal.

 

Waxa xaqiiq biyo kama dhibcaana ah, in fayraska karoona ay dawladuhu ka qaadan doonaan casharro la xidhiidha qiimaha insaaniyadda. Dawlado badan ayaa isku dayi doona in ay isbeddel ku sameeyaan qorshayaashooda siyaasadeed, dhaqaale iyo akhalaaqiyeedba. Waxa aynu warbaahinta kala soconnay sida uu madaxwaynaha dalka Serbia “Aleksandar Vucic” uu ugu dhalleeceyey midawga yurub in ay ka xidheen albaabada, kadib markii uu waydiistay caawimo ku aaddan fayraska karoonna. Waxa ay ahayd markii ugu horaysay ee uu Madaxwaynaha Serbia warqad uu ku waydiisanayo qalab iyo gargaar cafimaad uu u diro madaxwaynaha dalka China “Xi Jinping” isaga oo ku tilmaamay in aanu ahayn saaxiibkii oo kaliya balse uu yahay walaal uu wadankiisu (serbia) leeyahay.

 

Bal talyaaniga eeg, keligii ayaa la waliilaya xanuunka sadhada coronavirus, isaga oo aan wax gacan qabasho ah ka helin wadamo kale.

Isbayn way yaabban tahay, gacmo madhan ayey la soo laabanaysaa markasta oo ay gargaar waydiisato wadamada jaarka la ah. Faransiiska, jarmalka iyo ingiriisku, faraha ayey ka laabteen markii ay u taag waayeen fayrsakan. Bal eeg maraykankii ku doobyi jiray awoodda caalamka “super power” tiknoolajiyadda iyo horumarka, waa kaa gacmaha hoos hoorsaday shiinihii uu maalin kasta ku wiirsan jiray. Isaga ayaa caawimaad dunida kale uga baahan maanta.

 

Ilaahay waxa aynu waydiisanaynaa, inuu caalamka ka dhigo xanuunkan dabadii, mid ka qurux badan sidii hore ee uu ku sugnaa. Ilaahay ha uga dhigo xanuunkan daalimka cashar uu ka barto qiimaha insaaniyadda iyo akhlaaqda wanaagsan.

 

Adam Ducaale

Dhaka, Bangladesh

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker