Boqolaal Qof Ayaa Ku Dhaawacantay Mudaaharaad Ka Dhacay Dalka Faransiiska.

Paris-(OWN)-Mudaaharaad lagaga soo horjeedo qiimaha shidaalka ee Faransiiska oo qaaliyoobay ayaa horseeday in ay dhaawac maan 400 oo ruux, sida ay masuuliyiintu sheegeen, mudaaharaadka ayaana galay maalintii labaad.

Jidgooyooyinka ayaa goobo badan ka sii socday Axaddii

Wasaaradda amniga gudaha ee Faransiiska ayaa sheegtay in ku dhawaad 300 oo mudaaharaadeyaal ah su’aalo la waydiiyay, 157 ka mid ahna saldhigyo booliis loo sii qaaday.

Dad lagu qiyaasay 288,000 oo ruux ayaa ka qayb qaatay mudaaharaadkii Sabtidii dhacay, sida ay wasaaraddaasi sheegay, tiro dad ah ayaana sii waday mudaaharaadka Axaddii.

Mudaaharaadayaasha oo loo yaqaanno “yellow vests” oo astaan jaale ah wata ayaa jidgooyooyin dhigtay dalka Faransiiska oo dhan.

Dad badan oo mudaaharaadayaasha ka mid ah ayaa cadhadii kula dhacay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyaga oo ku eedeeyay in uusan wax xidhiidh ah la soo samaynin, mudaaharaadkanna wali waxba kama uusan dhihin, waxaana loo arkaa in shacbiyaddiisu ay hoos u dhacday marka la eego ra’yi aruurinnada la sameeyay.

Faransiiska

Madaxweynaha ayaa talada dalka qabtay sannadkii hore wuxuuna wacad ku maray in uu wax ka qaban doono dhaqaalaha Faransiiska, wuxuuna ku baaqay in qiimaha shidaalka kor loo qaado si dadka Faransiiska looga weeciyo adeegsiga noocyo ka mid ah shidaalka.

Dawladda ayaa ku dhawaaqday tallaabooyin dhawr ah oo ay gacan ku siinayso qoysaska saboolka ah si ay isaga bixiyaan kharashaadka shidaalka daruuriga ah ee ay u baahan yihiin iyo lacagaha kaga baxa gaadiidka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker