Accounkii Uu Twitterka ku Leeyahay Raisul Wasaare Hindiya Narendra Modi Oo la Jabsaday.

Barta uu ku leeyahay Twitter Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa la jabsaday.

Qoraallo is xig xigay oo lagu soo qoray boggiisa ayaa dadka ku xiran halkaas looga codsanayay inay ka qeyb qaataan barnaamij gargaar ah.

Twitter ayaa sheegtay inay ka war heshay dhaqdhaqaaqa ka socday halkaas isla markaana ay qaaday tallaabooyin lagu dhowrayo amniga barta Ra’iisul Wasaraaha ee Twitter.

“Waxaan si xoogan u baareynaa xaaladda, haatan, kama war heyno bogag kale oo sameyn ku yeelatay falalkaas,” waxaa sidaas yiri afahayeen u hadlay shirkadda Twitter.

Arrintan ayaa ka mid ah dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ku saabsan dhaca xogta shakhsiyaadka caanka ah, labo bilood ka hor ayay aheyd markii la jabsaday bogga Twitter uu ku leeyahay musharraxa xisbiga dimuqraadiga ee Mareykanka Joe Biden.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker