Xildhibaan Ilhaan Omar iyo Tim Mynett oo Guurkoodii kaga Dhabeeyay

Warbaahinta   dalka Mareykanka ayaa ku soo Warrantay in Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka, lagana soo doorta Minesota ay shaacisay inay aqal gashay.

 

Ilhan ayaa barteeda Instagram-ka soo dhigtay sawir iyada iyo seygeed cusub ee Tim Mynett. Tim ayaa horay u ahaa lataliyaha Ilhan Cumar ee arrimaha siyaasadda.

 

 

“Waan guursaday, waxaan lamaane ku ahayn siyaasadda, haddana waxaana ku nahay noolasha, waa barako, Alxamdulilaah”, ayay Ilhan ku qortay sawir ay soo dhigtay barta ay ku leedahay Instagram-ka.

Xiriirka haasaawe ee Ilhan Cumar iyo Mynett ayaa soo shaac baxay sanadkii la soo dhaafay kadib markii xaaska ay wadajoogeen Mynet, oo lagu magacaabo Beth Mynett oo 55 sano jir ah ay dalbatay furriin.

Mynet ayaa haatan Ilhan Cumar u qaabilsan dhanka ololaha doorashada.

 

 

Warbaahinta Fox News ayaa ku soo warrantay in xaaska Mynett ay dalbatay furiin ka dib markii ay tuhuntay in saygeeda uu Xidhiidh  jaceyl la la leehay Ilhaan Cumar.

 

Sidoo kale bishii Oktoobar ee sanadii hore, Ilhan Cumar ayaa dalbatay inay kala tagaan seygeedi hore, Axmed Xirsi. Saddex carruur ah ayay isu dhaleen. Xirsi ayaa dhowr bil kadib ku aqal galay Soomaaliya.

“Xidhiidhkeena guur waxa uu u burburay si aan ka soo kabasho la hayn,” sidaasi waxaa lagu sheegay dacwadda ay maxkamadda Minnesota u gudbisay Ilhan.

 

Waxay Ilhan sheegtay inay raadinayso sharci ilaalinaya carruurta waxayna maxkamadda weydiisatay inay u ogolaato goob sharciga waafaqsan oo si wada jir ah loogu hayo saddexda canug ee ay isu dhaleen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker