Booliska Magaalada Muqdisho Oo Gacanta Ku Dhigay Dhagar Qabe Suuqa Siinay Ku Toogtay Sarkaal

Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ayaa isgoyska suuqa Siinaay ee Magaalada Muqdisho waxaa ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidamada minashiibiyada dowladda hoose.

Dad ku sugan Suuqa Siinaay oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa u sheegay in rag dhalinyaro ah ay toogteen Sarkaalka,isla markaana ay isku dayeen inay baxsadeen,hayeeshee mid kamid ah raggaas ciidanka booliska dowlada oo halkaas ka agdhawaa ayaa gacanta ay ku dhigeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa goobta uu falka ka dhacay ka qaaday meydka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in ciidamada ay baadhitaano ka wadan nawaaxiga isgoyska suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca dilal qorsheysan, kuwaasi oo ay geystaan ragga ku hubeysan bastoolaha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker