AQOON DARI BAAHSAN
AQOON DARI BAAHSAN
Keene iyo kordhiye
Keene. Waaryaa kordhiye saaxiib waxaad ka warantaa
Qoladan ka sheekaysa cashuurta laga qaadi doono
Shaqaalaha ama shacab haw shaqeeyo ama xukuumade
War maw hayaan waxa ka danbeeya ee looga baahanyay?
Kordhiye. Saaxiib maxaan kula yaabay gacan hoo baratay
Bixi ma taqaano waxaabay uhaystaan cashuurta iyo caawimada
Iyo khay raadka dalka ka soobaxa in kolba inta xukunka joogtaa
Ay leeday oo iyagu kala qaybsanayaan .
Waxaanay garanayn qofka marka casuur laga qaado inuu isaguna
Xaq ugu leeyay markuu shaqo beelo masaariif tiisa iyo kirada
Gurigiisa ilaa intuu shaqo helaayo.
Waxa xaq loogu leeyay qof kasta oo weynaadaa inuu helo
Masaariif iyo kiro guri.
Markaa saaxii aqoon daro baahsan ayaa haysa .
Miyaad weli aragta doolar laleeyay waa kaasoo waa hantidii
Qaranka dekadii la iibi dahabkii la iibi buurihii la iibi mid badan
Laynagu caawi miyaad shacabkii waxan lahaa qof qudha
Oo wax laga siiyay markaa qaranku ma iyagaa waa maxay
Cisaabadan la dugsanayaa.
Shacabka qudhiisii ayaan waxba kala ogayn marka laba kiish
Oo yaryar iyo caagad saliida oo dhacday laysu dulsaaro oo weliba
Ajaanib ugu deeqay inta lagu sawiro umahad naqaya
Qof hantidoodii calooshu ku kartay ayay odhanayaan hebaloo
Waxaa nasiiyay garn maayaan waxan yaale inuu tuug yahay
Sida gafanaa uga soo go,ay hantidoodii ma garanayaan.
Waar umadu dulqaad badanaa yaa dawlad siiya shan sano
Gudaheed qof baahan lama arkeen.
Waxaad arkaysaa mid laleeyay malaayiin ayuu lunsaday
Oo hadana qudbadaynaya oo loo sacabinayo
Annakaa wax aragnay kii lahaana uu bakhtiyayo.
Alla ha sahlo maxaa dad badan maruun la katiinadayn doonaa.
Guuleed liibaan snm1710@livecom.uk