DAR-DAARANKII WAARAY W/Q: Cabdirisaaq Darwiish
Xaaji aadan wuxu ahaa Nin si walba ugu tirsanaa aqoonyahankii, maansoyahanka ahaa ee dadka soomaliyeed dardaaranka uga tegay.
Gabaygan soo socda wuxu tiriyey xili xaajiga la xidhay oo uu xabsiga u taxaabay gumaystihii ingiriisku isagoo markaas walibana xanuunsanaya, dabadeed Nin wayni wadkii waa yaqaanaaye intu maah-maahdaa adeegsaday ayuu is yidhi bal naftu waa neef soconaysee umadan dardaaran taabogal noqda uga tag. Runtiina abwaanku wuxu goobtaa ka mariyey gabay dareen taabad leh oo dadka wax door ah ka badalay sidoo kalena tusay cadaawada uu gumaystuhu u hayo umada soomaliyeed.
Ararta gabayga ayuu abwaanku kusoo bandhigayaa duco iyo tuugmo uu eebe weyne in badan ka hor uu ka duraantay kana dalbaday, baryootankaas uu eebe weyne kaga tuugay arimo badan, ugu horeyn wuxu eebe weydiistay inu u iftimiyo iftiinka kiisa fiican oo uu uga jeeday inu dhibka gumaystaha ilaahay soomali tusiyo, wuxu ku xigsiinayaa dedaalkii uu marwalba ugu jirey soomali iyo kaalintiisii guubabada iyo ururinta bulshada, dedaalka dheer ee aan kala joogsiga lahayn ee horseedka ka ahaa, hurdada uu abwaanku ka tegay ayuu ku xejinayaa, sida ololka geella oo kale inu Somali ugu dhawaaqay, anfacadii iyo soortii uu ka tegay ee uu ka haajirey, ajanabigii uu afrikaanka uga digay ee dakanooyinkooda inoo sheegay ayuu ku xejiyey, albaabadii uu tumay ee uu dadka uga yeedhay, sidoo kale xaajigu wuxu soo ban-bixinayaa dhibaatooyinkii umada soomaliyeed gumaystuhu ku hayey iyo kuwii ay iyagu isku hayeen, talo laโaantii u meel martay soomali, tafaraaruqii, aqoonyaraantii bulshada sida weyn uga muuqatay.
Gabogabada gabayga wuxu abwaanku kula talinayaa soomalida inay indhaha furaan oo hurdada ka kacaan, axmaarada iyo gumaystaha tashaday ayuu ogaysiinayaa, hubka iyo rasaasta Somali loo haysto ayuu dareensiinayaa ee gumaystuhu axmaarada u gacan galiyey si ay soomali ugu xasuuqaan, ergooyin dhulka somalida loo diro oo nabada xidha oo adkeeya ayuu ku guubaabinayaa, wuxu talo waayeel ugu soo jeedinayaa in eebe weyne la baryo isaga lagu xidhnaado, in gumaystaha lala diriro iyo dagaal loogu hub qaato diyaarna loo ahaado, wuxu xasuusinayaa in hubka soomalidu haysato ee waranka, seefta, afbalayda, hootada, gaashaanka iyo wixii lamid ah ay u dhiganto madfaca ay gaaladu haysato waxaanu xaajigu dhab u aaminsan yahay inay isku itaal labadaasi yihiin, wuxu tusaale fudud ugu soo qaadanayaa libaaxa aarka ah oo mararka qaarkood u dhinta qaniinyada kaneecada taas oo cadaynaysa in sida loo kala xoog badan yahay aan loo kala adkayn, gabogabada gabayga wuxu ku dhiirinayaa in aanay joojin ololaha xornimada lagu baadigoobayo waxaanu yidhi:
Waxbadan baan ilaahoow lahaa noo iftimi nuure
Waxbadan baan ikhwaankay ku idhi urursadoo kacaโe
Waxbadan baan alaylkoo badh tagay aad u daakiraye
Waxbadan baan sidii igadhka geel ololay heestaye
Waxbadan baan anfaco lay dhigiyo oon ka haajiraye
Waxbadan baan ajanabi uga digay reer ifriiqiyoโe
Waxbadan baan albaabada tumay oo soo ordoo idhiye
Marka eega odoyoobay oo waan itaal gabaye
Ifkana talo Ma kala qaadano oo waa isu ogayne
Aakhiro hadii aan tago oo iilka lay geeyo
Itixaada waataad sidii adhi ahaydeene
Aqoona yeesha waa jaahilnimo waxaydun eedeene
Is aqbala qabiilnimada waad ku ambanaysaane
Is adeeca uurxumadu waa aayatiin liโiye
Ujeedada la qarinaayiyo amar dhamaan doonka
Waa waxa dadkeena aakhiree kaa iska ogaaada
Ha eekaaninee suโaal ninkii odhankara u dhiibta
Aduunyo cilmaa qaaliyee urursha maalkiina
Ishtiraaga iyo xoolo badan jeebka ku adkeeya
Ixsaan fala waxbadan baa faqrigu uur ku ridayaaye
Ikhyaartiina daacada tashiga wada ogaysiiya
Ixtiraama waayeelku waa odayadiiniiye
Ahlan dhaha wadaadadu cilmay kuu akhriyayaane.
Inamada koraayaa waxay ku aflaxaan fiirsha
Edebta iyo hablaha sharafka bara waa islaamnimoโe
Umuhaadka diintiyo sharciga uga arkaan sheega
Axmaqnimo wixii keenayiyo turubka eekeeya
Ahdaaftiina xeerkood jartaan haw asal ahaato
Faqriga aabihiis waa fadhiye aad u camal yeesha
Adigoon indho lahayn waqtiga meel ha ku idlaynin
Allaahu akbar dhaha waa nasriga udubadiisiiye
Aboorkuba alaylkuu dhistaa aqalo waawayne
Markuu ururo daartuu ebyeybaa la ashqaraaraaye
Iliil musaliina isku xidhay aragtay waagiiye
Libiya talyaano idil libay kaga adkaadeene
Ilko wadajirkooday hilbaha adag ku gooyaane
Haday iniba meel taagan tahay adhax ma feentaane
Itifaaq laโaan laguma helo libiyo iimaane
Indhahaad isku aragtaan cadaawaha iskaga eega
Ha ordinee xaajada sidii eydinta u raaca
Abtirsiimo reer hebela iyo oday ku faan tuura
Indhaa fura hurdadu waa waxaad ku ibtilowdeene
Amxaarada iyo gaaladu tashade inaad abaadaane
Afcas baa miyiga loo faraqay laysku aayiroโe
Ergo dira dhulkoo idil martoo af iyo liisaan leh
Amni xidha naf soomaliyeed yey isku idlaane
Abhiya oo dadkaba waanada wada ogaysiiya
Ninkii aan aqbalahayn sidaa buuga ku asteeya
Alla bariga reerkaaga waa laga asiibaaye
Orgigood qashabaa wankuna kugu ogaadaaye
Marka waysha gawracuu aslaybuu eegay dibigiiye
Arag buu ku yidhi waxa xiga adiga weeyaane
Injirtiyo kutaantaa ka baโan bahalka oodeede
Ninkaan gurigu aamin u ahayn eegi waa dibade
Goortaad afqaadkiyo dishaan eyda daba joogta
Isticmaarka maantaa jihaad ugu agab qaata
Aanada ragii idinka waday eebo kaga goosta
Ardal baa gacmaha soo wadhee anafo weyn yeesha
Hana is odhonin aarmiga ka baqa aaladiyo xooga
Iimaan hadaad leedahay ood aad u dirirayso
Ushaad haysataaniyo madfacu waa isku itaale
Axadkii kastaba waa naf qudha wuxu ilaashaaye
Aarkuba kaneecadii cuntay ayuu ay la jiifsaday
Ishaarada cas baa lagu helaa aayo kaa maqane
Ololaha ha daynina xornimo aamus lagu waaye.
W/Q: Cabdirisaaq Darwiish