Dalalka G7 Oo Cambaareeyey Cashuurta Mareykanka Ku Soo Rogay

Dawlada Maraykanka  ayaa cambaareyn kulul kala kulmay Wasiirrada Maaliyadda ee dalalka la isku yidhahdo G7 cashuurta uu mareykanka ku soo rogay biraha iyo alumuniumka la soo geliyo dalkiisa.

Wasiirrada oo ku kulmay Canada ayaa waxay sheegeen in si xun loola dhaqmay Canada iyo Midowga Yurub loogana baahan yahay iney aarsadaan. Wasiirka maaliyadda Faransiiska Bruno Le Maire ayaa wuxuu ka digay haddii mareykanka uu arrimaha hoos u eegi waayo dagaalka ganacsiga toddobaadyo ma ahe inuu ku qarxayo maalmo gudahood.

Mr Munchin oo difacay go’aanka Washington, ayaa wuxuu sheegay inuu dareenkiisa ku aaddan arrintan inuu u gudbiyey madaxweyne Trump. Balse ma jiro wax go’aan wada jir ah ugu dambeyntaoo ay waddamadaa ka soo saareen xaaladda.

Wariyaha BBC uga soo warramaya Waqooyiga Amerika ayaa wuxuu sheegay ismariwaaga iyo xurgufta la xidhiidha canshuurta iney noqon doonto mid si weyn looga dooda shirka ay madaxda G7 ku yeelanayaan Qubec dabayaaqada toddobaadka horteenna ah oo uu ka qayb geli doono Madaxweyne Trump.

Dhinaca kale Madaxweyne Trump ayaa boggiisa Twitterka ku qoray inuu fahmay go’aankiisa ah in canshuur la soo rogo ay tahay, mid uu mareykanka sanada badan xaq uu u lahaa inuu xilli hore uu soo rogo dalal badanna ay ku caana maaleen.

“Mareykankuna uu ganacsi ku waayi jiray 800 oo bilyan oo doolar”.

Xogahayaha ganacsiga ee madaxweyne Trump Wilbur Ross ayaa wakhti xaadirkan ku sugan China si uu ugala hadlo sidi loo soo afjari lahaa heshiiska waxsoosaarka beeraha ee dalka la soo galiyo. Xoghayaha qasnadda guud ee Mareykanka Steven Mnuchin ayaa isna sheegay wadahadalku inuu ku ekeen oo keli ah in la owdo daldaloollada ganacsi balse ay tahay mid wax lagaga baddalayo qaab dhismeedka guud.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker