Gabadh Wasiir kasoo Noqotay Puntland Oo Xil Muhiim ah Looga Magacaabay Mareykanka.

Wasiirkii hore ee haweenka iyo arrimaha qoyska maamulka Puntland Anisa Xaaji Muumin, ayaa xil sare oo muhiim ah ka qabatay maamulka gobolka Soomaalida Mareykanka ku badan tahay ee Minnesota .

 

 

Anisa Xaaji Muumin ayaa loo magacaabay in ay noqoto gudoomiye kuxigeenka arrimaha socdaalka iyo qaxootiga ee gobolka Minnesota, waxa ayna si gaar ah anisa isha ugu heyn doontaas saameynta ay soogalootiga ku leeyihiin dhaqaalaha gobolka Minnesota.

 

 

Gabadhan Soomaaliyeed ee jagada sare looga dhiibay gobolka Soomaalida Mareykanka ku badan tahay ayaa halkaasi ku nooleyd ku dawaad 5-sano, Anisa ayaana ah gabar aqoonyahan sidoo kale ganacsiyo kasoo shaqeesay.

 

 

Anisa waxaa loo magacaabay in ay hoggaamiso xafiis cusub oo dowladeed oo ka caawin doona soogalootiga iyo qaxootiga in ay shaqo helaan ama ay bilaabaan ganacsi ay iyagu leeyihiin si ay noloshooda u maareeyaan

 

 

”Runtii aad baan ugu faraxsanahay inaan howshan qabto, waa howl aan aaminsanahay inaan ka soo bixi doono,intaanan aniga Soomaaliya u ambabixin oo wasiirka la ii magacaabin, qorshahayga markaan maamulka dowladda baranayay waxa uu ahaa inaan halkan ka qeybqaato siyaasadda.” ayey tidhi Anisa Xaaji.

 

 

Anisa Xaaji Muumin ayaa intii u dhaxeysay sanadkii 2014 ilaa 2017 waxa ay Wasiirka Horumarinta haweenka iyo arimaha Qoyska kasoo noqotay maamulka Puntland uu xiligaasi Madaxweyne ka ahaa Cabdiweli Gaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker