Hay’adda MSF oo soo geba-gabeysay joogitaankeedii Rafah, ka dib amarkii Israel

Hay’adda Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF) ayaa saqdii dhexe ee xalay shaacisay in ay soo geba-gabeysay joogitaankeedii deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, ka dib markii Israel ay shalay dadka rayidka ah ku wargelisay in ay isaga baxaan bartamaha deegaankaasi. Tani ayaa daba socoto amarkii ka soo baxay Isniintii ee ay rayidka ugu sheegayeen in ay banneeyaan bariga Rafah.

Hay’adda MSF ayaa sheegtay in ay joojisay howlihii caafimaad ee ay ka wadday Rafah, sababo ku aaddan, iyada oo garowsan in khatar ka soo fool leedahay Israel.

Hay’addan ayaa gacanta ku haysay Isbitaalka Indonesia, oo ka mid ahaa isbitaalo yar oo hadda ka shaqeynayay dhulka ay Israel culeyska soo saartay.

“Amarka cusub ee ka bixitaanka ee ka soo baxay Israel ayaa MSF ku khasbay in ay bilowdo in 22-ka bukaan ee haray ka daadgureyso isbitaalka, sababtoo ah ma damaanad qaadi karno ammaankooda.” Ayay MSF ku sheegtay war ay soo saartay.

Warka ayaa lagu sheegay “MSF waxay taageereysay Isbitaalka Indonesian, oo ah xarun caafimaad oo 60 sariir leh, iyada oo bixisa daryeelka qaliinka.”

MSF ayaa ugu baaqday Israel in ay joojiso duulaankeeda Rafah, haddii kalena aysan suurtagal noqon doonin in la bixiyo gargaarka caafimaadka ee naf badbaadinta ah iyo in dadka rayidka ah ay helaan badbaadada ay u baahan yihiin.

MSF ayaa muujisay in ololaha ballaaran ee Militariga Israel aan laga la kulmi doonin, wax aan burbur ahayn.

Warka ka soo yeeray MSF ayaa imanaya, iyadoo Arbacadii albaabada la isugu laabay Isbitaalka Abu Yousef Al Najjar, oo ahaa kii ugu weynaa ee bariga Rafah.

Maamulka Isbitaalka Abu Yousef Al Najjar ayaa isbitaalka u xiray, ka dib baqdin ka dhalatay awaamiirtii Israel ee dadka lagu farayay in ay isaga guuraan bariga deegaankaasi.

Dhanka kale Ciidamada Israel ayaa xalay sagaal qof ku dilay deegaanka ku yaala xadka koonfureed ee uu Marinka Gaza la wadaago dalkaasi Masar, ka dib markii diyaarad dagaal ay gantaal ku dhufatay guri ay dad rayid ahi deganaayeen.

Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee WAFA ayaa sheegtay in dadka lagu dilay Rafah ay u badan yihiin carruur.

Rafah ayaa waxaa billihii ugu dambeeyay deganaa 1.5 milyan oo shacab ah, kuwaa oo halkaasi u yimid si ay ugu nabadgalaan, ka dib markii laga soo barakaciyay guryahooda.

Duulaanka Israel ee Rafah ayaa kaga sii daraya xaaladda bani’aadantinimo ee markii horeba ka jirtay guud ahaanba qaybaha Marinka Gaza.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa waxaa muuqata in uu ku adkeysanayo hawlgalka dhinaca dhulka ee Rafah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker