RAGII JACAYLKU HALEELEY Q2AAD: W/Q: Cabdirisaaq Darwiish

ABWAANKII JECLAADAY GABADHII IJO:
Abwaankani wuxu ahaa ninkii gabadhii ijo jeclaaday ee cishqigeedu madax maray, waa ninkii guur daaye markaliya inu ijo arkaa ay u suurto gali weyday, waa ninkii tolkii u qaateen inu waalanyahay oo jinni qabo. kolku quusan waayey, gabyaagii dadkii xigtada u ahaa ay kula taliyeen inu ijo faraha ka qaado gabadh kalena deegaanka ka deydaydo, waa gabyaagii ay u balan qaadeen tolkii inay ka yarad bixin doonaan, hadii uu sidaa yeelo walibana ay xeryihiisa xoolo uga buuxin doonaan, gabyaagii markaas ugu jawaabay fardo, geel, lacag, dahab, iyo hanti kasta oo lay siiyo inu ka jecelyahay maalin uun intuu ijo hor fadhiisto oo la haasaawo waxaanuu yidhi:
Tisciin farasa xamar tawlan iyo tuurcade iyo maydal
Markab tiirsan lacag laytirsho iyo dahab lay tuulo
Lag todoba jiroo wada tifrina tiica iyo ayro
Waxaa iiga tolmoon ijoon kol u tiraabaaye.

 

Ragii soomaliyeed ee hore may ahayn dad aad u qaayibay dhaqanka uu ku jiro jil-jilaycu, waxayse ahaayeen rag ad-adag oo aan naxariistu agtooda oolin hayeeshee waxa jiray rag tiro yar oo dumarkooda jacaylkii ay u hayeen ka gabyey oo waliba amaanta dumarkooda ku dheeraystay oo meel walbana ka sheegay.
Waxaana ragaa kamid ahaa cabdi warsame baanji โ€œcabdi gahayrโ€ oo ahaa gabyaa weyn oo si walba ugu tirsan ragii hore noolaa qarnigi 19aad kuna noolaa magaalada hargaysa berbera iyo deegaanada la ologa leh. Waxa la yidhi beri baa waxa magaalo xeebeeda berbera ka bilaabmay tartan hawo jacayl ah oo ay ka qayb galeen abwaaniin farabadan oo mid waliba halkaa ka tiray gabayo iyo geeraaro amaan ah.
Ujeedaduna waxay ahayd in ninkastaaba uu gabay ku amaano gabadha uu jecelyahay, tartankaas oo gabagabadii uu kaalinta 1aad uu ku guulaystay cabdi warsame baanji โ€œcabdi gaheyrโ€ oo ahaa farshaxan xaga suugaanta aanay cidi ku cawryi jirin.

Wuxu ku bilaabayaa ararta hore inu guurku yahay milge wuxu cadaynayaa in talada xigtadu ay muhiim tahay xiliga barbaarku uu guurdoonka yahay.
Wuxu ku sifeeyey gabadhii uu jeclaaday:
Inay xaga quruxda u eegtahay sidigtii maandeeq
Inay ka qurux badan tahay beertii maacaleesh ee sheikh ku tiilay.
Fardaha midabka ugu quruxda badan.
Muraad aan lahayn miridh.
Wuxu ku sifeeyey geedka maawaradka ah ee udgoon.
Hilaac ka muuqday madal loo dhan yahay oo 2 jeer la arkay kadibna la waayey.
Hablaha aduunka ugu quruxda badan ee reer suuriya.
Wuxu ku tilmaamay xuural cayn soo mudh tidhi oo aduunka u soo baxday.
Wuxu ku sifeeyey waxyaabo badan oo dumar lagu sifeeyo kuwi ugu qaali Sanaa Waxaanu yidhi:
Marka horeba guur waa milgiyo maarsi kala waaye
Hadaan lala mashaawarin tolkaa adiga oo maal leh
Oo lagama maarmee tashiga odayo loo miidhin
Ninkii keligii maalootiyaa meel xun waw halise
Ragase qaarkii uma meel dayee wayska mehershaaye
Anna waxaan ka miidhaa halkaan lagu masuugayne
Musrifkii gaboobiyo carmali muuno malahayne
Lagu mood madiixoo dhashiyo sidigtii maandeeqe
Lagu mood dhirtii maacaleesh midhihii saarnaaye
Lagu mood madheedh ueegeey dahabkii maarseeye
Sida baarqab may dhalay basari midabku waa beene
Lagu mood fardaha muuq kujiro midabadoodiiye
Lagu mood muraayad aan lahayn midabku waa ceebe
In lamaro madow iyo cadaan muumin iyo gaalo
Sida geeedka maawarada waa muunad gooniya ahe
Maxamuud garaad oo fardaha madal ku jeedlaaya
Lagu mood maqaamkii duntidiyo madaxii shaalkiiye.
Magaalada berbera maalintii madasha loo joogay
Lagu mood hilaacii mudh yidhee muuqday laba jeere
Lagu mood tiriigii mulyuun muxubadiisiiye
Lagu mood macdaarada cadmeed macawisii yiille
Lagu mood maryama xaashidii magaca weynayde
Haday carabtu waa midgoโ€™e muranto kooskeedu
Dar baa midigta weligeed lahaa muunadii boqore
Lagu mood muluukida hablaha madaxdii reer suure
Madowga iyo casaanka isku jira sida masciideedka
Malahayga waa xuural cayn soo mudh tidhi showe
Maankaa waxlaga fiiriyaa saado lagu moodye.

Cabdigahayr wuxu ahaa nin dhaqan suuban oo hormuud umadeed ah wuxu gabaygan kusoo banbixinayaa qayb kamid ah anshiga wanaagsan ee uu leeyahay waxaana kamid ah inu yahay nin shaqaysta oo aan cidkale isku halayn, sidoo kale in aanu weligii ku masruufi doonin afadiisa, xaaskiisa miis iyo amaah, dhaqamada quruxsan ee cabdigahayr ku faanay waxa kamid ah in uu yahay nin aan reerkiisa weydiin wuxu siiyey iyo siday u adeegsadeen una madhiyeen, mar hadii uu yahay nin intaa oo dhaqana leh wuxu garawsanayaa inu yahay nin rag oo dhan u sareeya, gabogabada gabayga wuxu cabdi mahadnaq balaadhan u jeedinayaa afadiisa ugana baryey eebe weyne inu ku nooleeyo mahad eebe waxaanu yidhi:
Annoo maalin caantayno helay maalina hungoobay
Oy marada daabaqad kutaal iga madoobaysay
Mar hadaanan miis iyo amaah kugu masruufaynin
Mid aad mudane siisiyo mid aad gacal ku muunayso
Sikastaba u madhiyoo hadaan maanka la idoorin
Kol hadaanan mood guriga yaal meek u odhanaynin
Kol hadaanan hablihii midha yaruu kula murmayn haatan
Adna mahad ku noolow xarrago lagu muhiibsiiye
Anna wey mabsuud xaal aduun mowdka ka horoowe.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker