Dugsiyadda gaarka ah iyo Kirada guryaha

Dhawrka billood ee soo socda haddii xaaladdu ay siddani ku socoto, Xisaabaha (Accounts#)  iyo  Jeebadaha  Dugsiyo  badan ayaa madhan doonna oo si rasmi ah u geli doona musalafid iyo kicid,Kharashkii ayaa siddii u socoda sida Baahidii agabka xafiisaadka,Korontadii,iyo guud ahaan kharashkii kirada dugsiyo badan oo gaar loo leeyahay kuna Jirey dhismayaal kirro ku ah,Dagaalka karoonaha lagula jiraa billaha soo socda haddii bando lagu jiro wuu ka adkaan doonna xarumaha waxbarashadda.70% in ku dhow ayaa xarumaha waxbarashadda kiro ku jirta somaliland,sheeko badan oo la xidhiidha lacag la,aan,dhaqaale yari,mushaharo baaqdey iyo biilal la bixin kari waayey ayaa la soo warinaayey muddooyinkii ugu danbeeyey saxaafadda,Macallimiin iyo Maamulayaal isku khilaafey baahida iyo dheefaha la isku lahaa ayaa warbaahinta u soo baxey,Waalidiin badan oo adduunka shaqadii ka istaagtey amma ku noola lacagaha xawaaladdaha lagu soo diri jirey ayaa tahli waayey in ay bixiyaan lacagtii/fiigii culeyska uu sababey karoonuhu awgeed.Kiradu waxa ay noqotey caqabad si gaar ah ay u la kalmeen dugsiyada/jaamacaddaha gaarka ahi,halka kuwa dawladdu ay ka badbaadeen kirada guryaha.

Ardey badan oo wakhtiyada dhexe ay qaadan jireen jaamacaddaha “Crash  program”.caqabad ayaa bandoogani ku keenay,si gaar ah kirada iyo kharashaadka dheeriga ah ayaa dugsiyada gaarka kaga duwan yihiin kuwa dawliga ah,halka kuwa dawliga ahi ay ka badbaadeen kirada guryaha,Ardeydii mashaariicda haayadaha wax ku dhigan jirey,lacagtoodana laga soo bixin jirey xafiiska haayadaha aan dawliga aheyn ayaa hakad ku jira,Ardeydii sida joogtada ah isku qori jirtey,jaamacaddaha,dugsiyada gaark ah,macaahida,malcaamadaha ayaa gebi ahaanba aan jirin,(no New Adminission and Enrollment),ardey cussub lama qaadan karo,dufcado cussub ma jiraan meelna ,weji cussub oo xiisaha ardeyda ee waxbarashadda hoos u dhigi kara ayaana karoonuhu nolosha ku furay.

waxa si toos ah u soo baxdey in  isgoolada iyo jaamacadduhu aanney isaga bixin kariin kharashaadka sida kirada iyo mushaharaadka barayaasha haddii la waayo fiiga ardeyda wax lagu baraayo,waxa kale oo iyaduna jirta in xaaladdahani oo kale maamulada waxbarashaddu ay ugu  soo gabadaan in ay lacag ku dhex lunsadaan masiibadan/xanuunka rabaaniga ah ee dalku wajahaayo,iyaga oo ku andacoonaaya in aaney jirin miisaaniyad buuran oo u diyaarsaneyd amma u keydsaneyd si ay uga jawaabaan xaaladdaha deg deg ah,isla markaasina ardeydii aaney soo shubin lacagihii ku waajibey,iyada oo guryo  badan oo kala duwan daan kasta  ay ku jiraan isgoolada iyo jaamacadduhu  kiradooda bil kasta ay  gaadho lacago ku dhow dhawr kun oo doollar,xalaaladduna haddii ay ka sii darto oo ay ka soo doogsan weydo,waxa ku adkaan doonta bixinta lacagahaasi kuwo badan oo xisaabtoodu ay muddooyinkaba casaan ku socotey iyada oo mashaariicda waxbarashada iyo lacagaha kabka ahiba ay sidoo kale yar yihiin,waxa wasaaradda waxbarashadda somaliland la gudboon in ay mustaqbalka diyaariso miisaaniyad waxbarasho oo kab looga dhigo xarumaha waxbarashadda haddii mustaqbalka xaalad deg deg ahi timmaado.

ardey  badan ayaa dugsiga ka baxda xaaladdan kala guurka ah oo aan waxbarashada ku soo noqon siddaasina dugsiyada ku macasalameysa,amma dhaqaale daro  fiiga ah awgeed uga faa,ideysta in ay dugsiyada ka baxaan,kuwaasi guud ahaan isgoolada adduunku isha ayey ku hayaan sidii waxbarashada loogu soo celin lahaa iyada oo laga bixinaayo lana kabaayo dhaqaale ahaan inta qoysaskoodu ay liidato,waayo Maalgelin lacageed ayaa loo furayaa goobaha waxbarashada marka bandooga laga soo baxo lana furo bangiyada iyo xawaaladdaha laamaha dibadda,si ay kirada,kharashaadka iyo mushaharka baaqdey ugu bixiyaan haddii lacag la,aani jirto,kuwaasi oo dib u bixin doona sannadaha soo socda,marka dhaqaalaha adduunku halkiisa ku soo noqdo.

ugu danbeyn yeynaan keliya ka fekirin in aynnu waallidka lacag kasoo qaadno laakin qorsheyaal mustaqbalka maaliyadaha waxbarashadda wax ka beddela aan ka fekirno hana la diyaariyo nidaam maaliyadeed oo goobaha waxbarashadda u saamaxa in ay markasta cagahooda ku taagnadaan,dhigaalkoodana awood u yeella.

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.co

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker