Hab Nooce ah Ayaa Iskoolada loo Furayaa(1)
31st July 2020ย ayaa Dawladda somaliland la sugayaa in ay dib u furto waxbarashadda somaliland,sidaa darteed waa wakhti laga fekiri karo la isna weydiin karo su,aal la xidhiidha nidaamka iyo habka ay waxbarashaddu u billaabmi doonto loona furi doonna,siddeebaa Dhismihii iyo koolajkii wax lagu dhigan jirey loogu noqonayaa,badqabka xagga nadaafada ee isgoolada ma laga shaqeeyey,diyaargarow intee leeg ayaa isgoolada ka muuqda la xidhiidha in ay dib u furaan waxbarashadda,dareen intee leeg ayaa laga qabaa in waxbarashaddii dhaqamiga aheyd ee dalku horre ugu jirey lagu soo noqdo.Waxaan Dooneynaa fikir cussub,qorshe cussub,xeelad iyo farsamooyin ka duwan kuwii horre in waxbarashada lagu shubo,waxaan dooneynaa in nidaamkii horre ee dhaqamiga ahaa hal abuur cussub oo waaqiciga ku saleysan laguna xalinaayo mushkiladaha jiro lagu ladho,waxaan Dooneynaa in wixii dhacey dhiirigelin iyo niyadsami dhan kasta ah laga kasbado,Maamulayaasha Dugsiyadda iyo jaamacadduhu waa in ay ka baxaan aqoon darro arrimaha qaar shalay innaga heysatey iyaga oo suurtogelinaaya nidaam waxbarasho oo ardeygu u madax bannaan yahay isla markaasina rakibaaya guud ahaan sugaaya tiknolojiyaddeed ee loo baahan yahay.
Qoddobadan ayaa Maskaxda lagu heyn doonnaa
- Sidee baa loo illaalinayaa Nadaafadda guud ee isgoolka,xidhiidh nooce ah ayaase ka dhaxeeya nadaafad darrada sida qashinka,xashiishka iyo cudurada faafa
- sidee baa loo hirgelinayaa in markasta la joogteeyo isticmaalka faraxalka iyo agabyada faraxalka
- sideebaa ardeyda,macallimiinta iyo maamulka jaamacaddaha iyo isgooladu iskula meel dhigayaan illaalinta sixada iyo caafimaadka mustaqbalka ee koolajka iyo isgoolka
- Sidee lagu ogaan karaa goobaha aan nadiif aheyn amma xashiishka la dhigo ama u nugul in markasta wax ka dillaacaan
- waa in la guud ahaan goobaha ku hareerreysan koolajka iyo dugsiga laga qaada wixii aan caafimaadka u wanaagsaneyn
- isgoolada iyo koolajyada waa in ay si joogto ah heer ka sarreysa intii hore u nadifiyaan goobaha waxbarashadda
- haddii dugsiyada la furo waa in aan ciyaaraha,is dhexgalka ardeyda,nususaacaha loo fasaxin,is dhexgalka iyo isku milankana laga illaaliyaa,iyada oo dhaqdhaqaaqooda lala soconaayo.
- waa in nidaam loo sameeya ardeyda la xidhiidha habka gelida isgoolka iyo bixitaankoodaba iyada oo aan albaabada la iskugu cidhiidhyeynin
- tirada fasalka fadhiisaneysa in la dhimo ayaa sax ah ,lana kala jebiyo toddobaadyada horre,si fasalladu ay u hellaan faalal loona kala durko,
- Goobaha qaarkood waa in muddo ah aan ardeydu isugu iman sida maqaaxiyaha iyo kafateriyooyinka dugsiga
- Waa in boodhadh taxadir leh oo halkudhagyo caafimaad ku qoran yihiin kuna sawirran yihiin barxaddaha isgoolka iyo jaamacaddaha lagu dhejiyaa lagana taagaa.
- Waa in la kala ogaadaa goobaha qashin qubka iyo goobaha sixo ahaan loo dhawaan karo
- dadka soo booqanaya isgoolka waaย ย in lala socdo laguna baadho kadinka
- laybarariga akhriska, iyo laboratoryga waxa lagu baadho intaba waa in aan tiro badan lagu gelin
- waa in isgoolka iyo jaamacadduba ay noqdaan kuwo mar kasta mustaqbalka xaaladdaha deg deg ah ka jawaabi kara isla markaasin loo rakibo guud ahaan qallabada ay u baahan yihiin
- waa in wasaaradda waxbarashaddu dugisyada iyo jaamacaddaha u qeybisaa guud ahaan agabyada ka hortaga safmarka karoonaha iyo wixii kale ee ay u baahan yihin si maamulka,macaliinka iyo ardeyguba u hellaan agab ku filan
- waa in tirada ardeyda ee fasallada mustaqbalka wax laga qabtaa lana dhimaa 60kan ardey ee meel lagu wada xarreynaayo
- waa in baadhid joogto ah loo sameyn karaa guud ahaan bahda caafimaadka billaha soo socda iyaga oo waxbarashaddoodana iska wata
- diyaar garow,bad-baado,nadaafad iyo ka hortag ayaa looga fadhiyaa goobaha waxbarashada marka dhawaan la furo Haddii Rabiย ย Idmo.
Abdifataah M.Ahmed
Ceelaabe_10@hotmail.com