Rabshado ay ku dhinteen 174 qof, 180 kalena ay ku dhaawacmeen oo ka dhacay Indonesia

Ugu yaraan 174 qof ayaa ku dhintay isbuurasho xalay ka dhacday garoonka kubadda cagta ee bariga magaalada Java ee dalka Indonesia, halka 180 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay.

Taliyaha booliska bariga Java, Nico Afinta ayaa saxaafada u sheegtay in labo askari oo ka tirsan ciidamada booliska ay ku jiraan dadka dhintay oo intooda badan cagta la mariyay.

Afinta ayaa sheegtay in kulankii horyaalka Indonesia Premier League oo ku dhamaatay 3-2 ay Persebaya ku garaacday Arema. Waxa uu sheegay in taageerayaasha Arema – oo loo yaqaan Aremania – aanay ku faraxsanayn natiijada oo ay garoonka soo galeen si ay u baacsadaan ciyaartoyda iyo kooxda Arema.

Taliyaha booliska ayaa yiri “Ciidanka booliska ayaa isku dayay in ay ku qanciyaan Aremania in ay ku soo laabtaan tarabuunka balse waa laga dhaga adeegay. Ma garanayno sababta ay dadku u noqdeen fowdo sii kordhaysa, oo ay ugu dambayntiina u weerareen booliska. Ugu dambayntii, booliisku waxa ay sunta dadka ka ilmeysiisa ku fureen dadkii isku soo baxay.”

Boqolaal taageerayaasha koox kasta ah ayaa ku orday inay albaabka ka baxaan si ay uga badbaadaan sunta dadka ka ilmeysiisa, laakiin qaar badan ayaa neeftu ku dhegtay kadibna lagu tuntay.

Boqolaal ka mid ah dadka dhaawaca ah ayaa loola cararay isbitaallada u dhow, balse qaar badan oo ka mid ah dadkaasi ayaa ku dhintay wadada ama inta lagu guda jiro daweynta.

Dadkan careysan ayaa sidoo kale gubay 13 baabuur oo ay leeyihiin ciidamada booliska iyo kuwa xamuulka qaada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker