WADA HADALADA SOMALILAND IYO SOMALIA WUXUU KU SAABSANYEY LACAG , AAFOOYINKA IYO AYAXA KAMA MID AHA- WAA AMAKAAG IYO YAABKA YAABKIIS.
Wadada hadalada SOMALILAND iyo SOMALIA waxay bolawdeen waqtigii Xukuumaddii Siilaanyo ka xanuunsaday bulshada reer SOMALILAND waxaa markasta loo sheegayey in wadahadaladu ka shaqaynayaa danaha iyo horuumarka ummadda reer SOMALILAND oo xaaladaha khuseeya wadanka iyo wixii khuseeya dhinac kasta sidii loo wanaajin lahaa ee loo horuumarin lahaa ay Xukuumadda SOMALILAND ay masuul uga tahay dalka hadday ictiraaf ka tahay hadday nabadda labada dal tahay hadday wada shaqaynta tahay hadday iskaashiga tahay markay aafooyin yimmaaddaan.
Marar hore waxaa yimi aafooyìn qaran , marar Somalia ayey ku yimmaaddeen markaasay SOMALILAND u gurmatay Somalia oo xoolo u geysay. Marar kale SOMALILAND ayaa aafooyin ku yimmaaddeen markaasaa XUKUUMADDAA SOMALIA u soo gurmatay. Marar badan caawimooyin badan baa u soo maray SOMALIA oo SOMALILAND la isusoo dhaafiyey oo Xukuumadda SOMALILAND intay Mucaawimooyinkii dhunkatay hoosta gashatay . Macaawinadii yariiso oo diiran baa imika reer Berbera ku raynraynayaa.
DHAQAALAHA WADANKA SOMALILAND KUMA XIDHNA TELISOM IYO DAHABSHIIL IYO QAYRKOODTOONA , DHAQAALAHA SOMALILAND KUMA XIDHA MUCAAWIMOOYINKA YAR YAR EE DEBEDAA KA YIMMAADDA EE MADAXDA JEEBKOODA KU DHACA BOQOLKIIBA SIDEETAN. DHAQAALAHA SOMALILAND KUMA XIDHNA DEKEDDA YAR EE BERBERA. DHAQAALAHA SOMALILAND KUMA XIDHNA AFARTA AQAL EE HARGEYSA KA DHISAN EE CASHUURTABA BIXININ.
Xukuumadda Muse Biixi waxay garan la dhacay DHAQAALAHA SOMALILAND wuxuu ku xidhanyey. DHAQAALAHA SOMALILAND wuxuu ku xidhanyey XOOLAHA NOOL ee reer SOMALILAND haystaan ha u badnaadaan SOOL,SANNAAG, TOGDHEER, MAROODI JEEX IYO AWDAL OO DHULDAAQEEN AH. DHULKII AAFO QARAN OO AYAXA AYAA KU HABSATAY 2019 IYO 2020 . AYAXA WELIGEEDBA WAXAA LA DAGAALAMA URURADA CAALAMIGA AH OO DAYAARADU IYO DAWOOYIN KULA DAGAALAMA .WAXAYNU OGNAHAY LA DAGAALANKA AAFOOYINKA AYAXA EE ADDUUNKA XUDDUUDO MA LEH, SIYAASADO KALA DUWAN MA LEH LA DAGAALANKA AYAXU XAGGAY XUKUUMADDA MUSE BIIXI KA KEENTAY DAYAARADAHA KEENYA UGANDA IYO AFRIKA IYO SOMALIA SOO BUUFIYEY AYAXAYAGA BUUFINMAAYAAN HADDAY SOMALIA SOO BUUFIYEEN XAMAR SOO FADHIISTEEN WAA ARIN CAALAMKU KU QOSLAY IYO DHAQAALAHA SOMALILAND OO XUKUUMADDU CURYAAMINAYSO IYO MAAMUL DAWLADEED OO XUKUUMADDA MUSE BIIXI AANAY FAHANSANAYN.
ANIGU 26 Augost 2019 ayaan soo maray gobol ka Oodweyne markaan soo gaadhay TUULADA Benderwaag ee Maroodijeex soo gaadhay inta u dhexaysa Bender wanaag iyo TUULADA DIINQAL AYAX BAA KU HABSADAY AYAX TIRO BADAN KAASOO DUULAA-FADHIISANAYEY IN AAN KA YARAYN 40 KM SQ. Anigoo yaabban baan Hargeysa imi markaasaan arkay in Ta DAWLADA lagu sheegayaa iyo wasaaradaheeda iyo warfaafintoodu inaanay wadanka war u hayn. Midea hadal haya ma jirin. Ayaxu 2019 kii buu wadanka wada maray dawlad u jeedday may jirin WAX HADAL HAYA MAY JIRIN.imikana Dayaaradii caalamiga ahaa bay diideen. Ayax la dagaalaku siyaasad ma leh xuduud ma leh waa aafo adduun sidee loo fahansiiyaà Xukuumadda Muse Biixi.
Daaqa Xooluhuu wuxuu u baahanyey in Ayaxa laga hortago Mogadisho ma yaqaaniin Xayawaanku Hargeysa ma yaqàaniin xooluhu siyaasadda ma yaqaaniin xooluhu in ayaxa laga laayey u baahanyihiin HADABA XUKUUMADDA MUSE BIIXI YAA FAHANSIIYA ARINTAA.
Wasiirka Beeruhu ( he is not educated person and even not intellectual and his escapegoat seems very poor).
M Bashe
qoranebashe@gmail.com