Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Oo Ka Hadlay Doorashooyinka Somaliland

Iyadoo beri oo 31 May ah, Somaliland ka bilaaban doonto doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka, ayaa maanta waxaa dhambaal hambalyo iyo dardaaran ah u direy shacabka Somaliland, Ra’isul wasaare ku xigeenka Soomaaliya  Mahdi Maxamed Guuleed .

“Waxaa rabaa in aan u hambalyeeyo maalinta doorashada 31 May shacab weynaha Somaliland, sida dul qaadka, ilbaxnimada iyo waaya aragnimada ku jirto oo ay ugu dareereen, ugu ololeynayeen in doorasho xor iyo xalaal ah oo tartan furan uu ku jiro ay ka wada qeyb qaataan,” ayuu yidhi Guuleed.

Hal Milyan oo qof iyo in kabadan ay u dareeraya in si xora ay codkooda u dhiibtaan 246 Xildhibaanno oo sadexda xisbi ka kala sharaxan ee golaha wakiilada iyo 521 xildhibaana oo ka socoda golayaasha deegaanka oo ilaa 767 musharax ay ka qeb-qaadan doonaan iyadoo sadex kun oo gooboodna cod bixineedna ay ka dhici doonto oo ka mida 22 degmo oo satuuqyada cod bixinta la gayndoono.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker