JAWAAB KU SOCOTA BAAQ SHACAB

Jawaab ku socota Baaq Shacab ee dhowaanaha Baraha Bulshada aan ku arkayey,Waaryaa mooge yaroow Fadlan Akhri Qoraalkan oo run ah ,aanan filayo,In aydun wax badan ka faa”iidaysaan,mana ihi nin dawlada difaacaya,lakiin dalkan jecelahay,aanan tilmaamayaa khaladka,maah maah tidhaahda Isaxaaqda ma diidine, Xaaqdaan diidey,JAWAABTII  TAARIIKHDA HORUMARINEED EE SOMALILAND 1884 ,ILAA 2020 KU SOO DHOWOOW:-              1.1884 Ilaa 1960 June 25 oo Dawlada Boqortooyada U.k xukumaysey, June 26,ilaa May/17 /1991 Horumarinta ,Somaliland Dawladaha hore ka qabteen,Waxaa ka badan horumarka la qabtay,1991/May 18,Ilaa 2020/May 18,Marka laga reebo,Wada laamiga ah ee Somalia inagu xidha oo dawlada China inagu caawisay,Saldhiga,Iyo Dekeda Berbera oo ruushku inagu caawiyey,sababtuna ahayd ,in uu Saldhig milateri oo uu dego ka samaysto ,Berbera taa bedelkeedana wax badan somalida u qabtay,Isla markaa Saldhiga Berbera Dawladii Siyaad Bare kaga qaadan jirtey kiro dhul (Hal milyan oo doolar $1000.000),markii Ruushka laga saarayna waxaa soo degey,Muraykan oo laga kireeyey,lacag dhan (Afartan milyan oo dollor Sanadkii,$40.000.000) Waxaan cadaynayaa,136 Boqol ,Sodon ,Iyo Lxdaa sano,wixii la qabtay,in ay ka badan tahay,horumarka la qabtay,29 sano oo Somaliland jirtey.Marka Loo eego ,Dhismayaasha Wasaaradaha,Isguulada dalka dhan,Dugsiyada Hoose,Dhexe,Sare,Ilaa Jaamacadaha dalka oo aan iyagu hore u jiri jirin,Rugaha caafimaadka,Iyo Hospitaalada Tuulo ,ilaa caasimad,Riigaga Biyaha,Iyo dhamamka Biyaha,Wadooyinka dalka,intay ahaayeen laamiyadu Iyo inta lagu kordhiyey 29 sano,wax barashada Diiniga ah,sida mandarasadaha quraanka,Iyo Maxadada dalka, Baadhista shidaalka ee balaadhan oo aynu ku ogaaney ,in Somaliland tahay meelaha ugu badan Kaydka Shidaalka Africa,Inkasta oo aan weli lagu guulaysan ,in la soo saaro,lakiin la diyaariyey.Nabad gelyada oo Somaliland tahay meelaha ugu nabad gelyada wacan East Africa,Isla markaa ka mid tahay meelaha ugu doorashada wanaagsan ,Africa ee (one person,one vote) Doorashooyinka kursiga lagu tago,Deegaanka ,Xeer dejinta,Iyo Madaxtooyada,Taas oo aanay gaadhin,Somalia,Jabuuti,Iyo Ethoipia Iyo qaar kale badan. Wuxuu yidhi Hadraawi,Barashada dhulkaagaa horta laga bogtaayoo Beryo laysku hawlaha,dhulku waa bus,Iyo hoon ninka Buug ku haystoow beentada weeyaan.Waxaan uga jeedaa:-     .                                                                        .

 1)Dhalinyarooy moogoow,waan qiirooday markaan arkay hadalkiinii,marka loo eego 17/May/1991,maalintaa oo aan joogey goob tii shirku ka socdey,Iyo maanta halka ay joogto Somaliland,Maalintaa 90% Sagaashan guryuhu way dunsanayeen,Isguul ma jirin buug lagula kalaha dalka,Laydh ma jirin magaalooyinka,Guryaha dunsan gidaaradooda waxaa lagu xidhan jirey Shirac,Magaalooyinka Iyo wadooyinka inta badan lama Mari jirin oo miinaana ku xidhnayd,hubka xitaa dumarka ayaa in badani hub sidatey oo haysteen,Haddii madowgaa lagugu dilo lama aqoon wax ku diley,mar walbana Taasi waa dhici jirtey oo dad badan baa sidaa ku dhintay,Guntii Iyo gebagebadii Somalilandta maanta ee quruxda badan,halkaas bay ka timi.Hadaba Su”aal baan weydiinayaa,dhalinyarada Baaqa soo saaray:-
   1.Ma waxbarashada May/91 kadib ayaad wax ku barateen,ma ka hore baad wax barateen,ma dal kale ayaad wax ku soo barateen? Hadaad ka mid tihiin horumarka Somaliland gaadhey ee waxbarasho,waa abaal dhac dalkiina aad ku samayseen moogoow.
         2) Mase ogtahay moogoow,In cadowgii Burburiyey Somaliland aanu weli ka hadhin oo dagaalkiina,isaga oo wejiyo badan leh uu weli socdo,Haday aabayaashiin xoreeyeen,maanta idinkay ahayd ,in aad hawsha inta dhiman qadataan,oo inta dalku aqoonsi helayo,aad isu ba haysataan ,Difaaca dalka,weydiin ka aqoonta sheeganayee,aad aqoontiina ku difaacdaan dalkiina,inta aad ku mashquulaysaan sumcad dilka dalka,Iyo taageero da cadowgiisa. su”aashayda labaad:-
                                                            1.Bal tilmaama haday jirto Somali maamul dhaanta Somaliland dhankasta oo loo eego,weliba inaga oo aan haysan aqoonsi caalami ah,Aduunkuna inaga eexday oo aynaan ka helin taageero,hadana ma jirto Somali gaadhey halka maamulkeenu gaadhey,Somalida kale oo dhamina taa waa ogyihiin,Tusaale,labada meeloop ee xorta ah.            1.Somalia waxaa qoran(falied state oo United Nation ka ayaa gacanta ku haya.Majirto Dawlad wada shaqaysaa,markaad eegto,Putland oo gaar wax u maamulata,Kismaanyo oo gaar wax u maamulata,Xitaa Dawlad ku sheegta Farmaajo, oo aan wada xukumin Moqdisho meel kalena daaba,Nabad gelyo dawladnimo ka horaysaa ma jirto,waad ogtiin nabad gelyada halkayka joogto.         2) Jabuuti waxaa haysta qoys 1977kii ilaa maanta’Markii Xasan Guuleed dhintay,waxaa dhaxlay,Ismaciil Cumar,doorasho sax ah lagama ogola. Bal moogoow,Noosheega meesha ,ina dhaanta ee aad dalkeena barbar dhigaysaan.
.                                                                                           Moogoow haddii u jeedadiinu tahay, In aad dhaliilaysaan Dawlada,Muse Bixi ,waxay ahayd,in aad ku koobtaan,intii Dawlada Muse Bixi jirtey,islamarkaa keentan ,wax cad,idinka oo soo qoraya,intii uu Hayey waxa laqabtay,oo run ah,Iyo Dawladii ka horeysey mudadan Muse,in leg oo la qabtay,haddii hoos u dhac jiro,halkaa sababta uu ku yimi hoos u dhacu Su”aal ka dhiga,runtii xitaa taa Dawladu waa ka jawaabilahayd,lakiin tiinu waxay u eg tahay,Wax yeelo Qaran oo weliba been ah.
waxaa qoray,Cumar Xaashi Saalax.
somaliland123456@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker