Ciidammada Itoobiya Oo Qirtay Inay Soo Rideen Diyaarad Kenya Lahayd Oo Ku Soo Dhacday Soomaaliya

Ciidammada Dawladda Federaalka Itoobiya ka jooga Dalka Soomaalya ee qaybta ah hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM , ayaa qirtay inay soo rideen diyaarad Toddobaadkii hore ku dhacday degmada Bardaale ee dalka Soomaaliya.

Diyaaradda oo ay lahayd Shirkadda African Express  oo laga leeyahay dalka Kenya, ayaa waxa ku dhintay Lix Qof oo laba ka mid ahi Soomaali ahaayeen, waxayna Deegaanka Bardaale u sidday Agab Caafimaad oo ay ku jiraan waxyaabaha lagaga hor-tago Xanuunka Covid_19.

War-bixin hor-dhac ah oo ay soo saareen Hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu sheegay inay diyaaradda soo rideen Ciidammada Itoobiya, kuwaasi oo ka shakiyey in diyaaraddu tahay mid isku miidaaminaysa Saldhiggooda Baadheere, sidaasi darteedna ay u toogteen.

War-bixinta ayaa lagu sheegay in diyaaraddu intii aan la toogan aan laga haynin wax macluumaad ah oo sheegaya inay ku soo waajahan tahay Bardaale, taasina tahay waxa keenay cabsida in Ciidammada oo falal Argagixso ka baqayaa Toogtaan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker