Wafdigii Muuse Biixi Oo Siwayn Loogu soo Dhoweeyey Dalka Guinea.(Sawirro)

Waftigii uu hoggaaminayey Madaxwaynaha Somaliland ayaa maanta gaadhay.

magaalada Conakry oo ah caasimadda dalka
Jamhuuriyadda Gini (Guinea) ee galbeedka
qaaradda Afrika ku yaalla oo ay marti-qaad
rasmi ah ka heleen.

 

Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu
hoggaaminayo, ayaa si meeqaamkeedu
sarreeyo loogu soo dhaweeyey gegida
caalamiga ah ee Conakry International Airport
waxaana halkaas ku qaabilay Wasiirka
arrimaha dibadda dalka Gini,

 

Mudane Mamadi
Toure, waxana madaxweynaha iyo weftigiisu
lagaga qaaday dayaarad khaas ah oo nooca
qummaatiga u kaca ah ee Loo yaqaano (helicopter) ka
,

taasoo si toos ah madaxweynaha
iyo xubnaha weftiga ah u geysay qasriga
Madaxtooyada waddanka Jamhuuriyadda
Gini. Conakry

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
iyo xubnaha weftiga ah ee safarkiisa ku
wehelinayay, ayaa xarunta qasriga
madaxtooyada dalka Jamhuuriyadda Gini
lagaga gelbiyey baabuurta loogu talo galay
madaxda hab maamuuskoodu sarreeyo,
waxana la geeyey Hutolka Kaloum ee
bartamaha caasimadda dalka Jamhuuriyadda
Gini ee Conakry. Iyadoo berrina si toos loo
gudo gelidoono ujeedka safarka iyo kulamadii
muhiimka ahaa ee uula yeelanayey madaxda

 

gelidoono ujeedka safarka iyo kulamadii
muhiimka ahaa ee uula yeelanayey madaxda

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker