Haddii dadku si u wada fekeraan, waa dad aan fekerin: (If the people are thinking the same, they are not thinking all)

Hadaad aragto dad dheg keliya wax ka wada maqla waxaad markiiba ogaaneysaa inayan ahayn kuwo fekera oo maskaxdooda si xornimo ku jirto u adeegsada. Aadamaha markuu ilaahay abuurayey wuxuu awood u lahaa intii isku dad ahba{ qabiil} inuu hal qof oo keliya maskax ugu sameeyo oo uu ugu dhiibo inta kale si ay kaas u daba galaan.
Waaxaad loogu baahan-yahay in qofkastaa adeegsado garashadiisa iyo caqligiisa lana kaashado hadba wixii jira sida waayuhu wixii uu keeno sida dhacdooyinka nolosha duruufaheeda ka dhex abuurma. Waxa lagama maarmaan ah xaaladaha bulshada iyo tan siyaasada inuu qofku si xor u eego oo la kaashado maskaxda Eebbe siiyey. Sidase bulshado u badan tahay oo aad is odhanayso waa wax u gaar ah ummadda Soomaaliyeed siibana dadka ku abtirsada Somaliland in dadka qabiil ku kulmiyo inay isku aragti ama maskax isku mid ah leeyihiin oo ay yihiin dad dheg keliya wax ka wada maqla
Dadyowga hore u marey waxa suurtogal in reer hal guri ku wada jira oo isgu qoys ah inay si kala jaad ah uga fekeraan arimaha la soo dersa ha ahaadeen haddii ay doonto mid bulsho ama mid siyaasadeed.
Waxa dhacda oo ka jirta bulshooyinka caalamka in reer keliyihi ay kala galaan xisbiyo kala jaad ah marka ay timaado siyaasadda oo ay noqoto qof iyo aragtidii iyo wax qanciya ee uu is yidhaado waa sida dantu kugu jirto naftiisa ityo ummaddiisa.
Waxa bulshadeenna ka dhex-jira qof aydaan waxba isugu imman oo haddii uu arko ama ogaado mid ay isku qolo yihiin oo wax idin dhex-mareer inuu colaad kuu qaadayo oo kuu dudayo markaas qofkaasu xor ma aha oo maskaxda yaa laga haystaa. waxana kow ka ah waxa waxaas keena qofkaas oo ka sabool ah sida bulsho loo dhex-gelo. Haddii ka madhan-yahay ama uusan haysan xirfadaha lagu kasbado bulshanimada wuxuu noqdaa qof maskaxdiisa lagu adeegto ama reer haku adeegto ama qof haku adeegto. Arintaasuna waxay dhaawici kartaa is-dhexgalka, is-ku tiirsanaanta iyo wax wada qabsiga bulshada wadankaas ay joogaan.
Hadaba ugu dembayntii dadku hays dhex-galo oo hays aamino oo wax ha wada qabsado oo hays ku dayo inay si xor ah uga fekeraan maskaxda ay ka haystaan qabiilka heshiiska ku ah in lays kaashado waxaan ummadda dan u ahay oo u adeegayn danta guuud.
Ali Hersi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker