ANIGU SOOMAALI BAAN AHAY OO WAXBA MA AKHRIYO WAXNA MA QORO ???

Diinteena islaamka ah ee suuban ayaa eraygii ugu horeeyay ahaa (IQRA ) AKHRI , oo malak jibriil caleyhi alsalaam ku yidhi nebigeena MUXAMED caleyhi alsalaatu wa alsalaam . iyadoo ummadii xiligaa joogtay jahli iyo qabyaalad dulmi iyo caddalad darro haysteen .
Laakiin markii ay risaaladu timi ee ay qaateen ay ay noqdeen ummad wax akhrida waxna qorta , ayay waxey noqdeen kuwa dunida ugu aqoon badan , waxaanay noqdeen hogaanka aduunka .
QUR AANKANA aayado fara badan ayaa ka warama iyo ay waajib ku tahay qof kasta inuu waxna akhriyo waxna qoro , guud ahaana diinta islaamka way ka soo horjeeda jahliga iyo in mugdi aqoon daro dadku ku jiraan . axaadiis badan oo aan lasoo koobi karina way ka hadashaa arintaa inuu cilmugu waajib ku yahay qof kasta oo muslim ah .
Waxa laga soo weriyay AABIHII tacliinta soomaaliyeed MAXAMUUD AXMED CALI : maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa u yimi dadkii wax garadka ahaa ee reer somaliland waxay u soo bandhigeen inuu hogaamiyo oo uu madax u noqdo ururkoodan gobanima doonka ah oo uu halganka horseed ka noqdo .
Laakiin AABIHII halganka tacliinta wuxuu ugu jawaabay : inigu waad idinku taageer sanahay halgankaa waddaa , laakiin inigu HALGAN KALE ayaan wadaa , oo isna u baahan cid hogaamisa , KAAS OO AH HALGANKA ( TACLIINTA) waxbarashada iyo LADAGAALANKA jahliga .
Waanay ka yeeleen arinkiisii , waxaanay ku yidhaahdeen waanu kugu garab taaganahay .
Hadana mar kale waxa dhacday inuu ingiriiskii ka talinayay dalka ay u yimaadaan oo u soo jeediyaan inu saaxadda siyaasadda ku soo biiro oo ka qayb qaato kana mid noqdo homaamiya yaasha xisbiyada .
Wuxuu ugu jawaabay anigu risaaladdayda ( WAXBARASHO ) ayaan sii wadanayaa oo dadku weli wadda dheer ayaa u hadhsan , welina jahligu aad buu ummadayda ugu baah san yahay . LADAGAALANKA JAHLIGUNA MA FUDUDA .
Bal hadda eeg arintaa . iminkana dad koo dhami waxay u bukaan inay wada siyaasi noqdaan , kursi ayay wada raadinayaan .
Ummadaha marka la eegaayo aqoon tooda iyo heerka ay taagan yihiin , waxa laga eegaa lagana qiyaasaa WAX AKHRISKOODA iyo WAX QORKOODA , ummaduhuna sidaas ayay ku kala horeeyaan .
Wax akhrisku wuxuu ku geeyaa kuna baraa ummado aanad weligaa arg , weligaana aanad gaadheen .
wax akhrisku wuxuu kaa gudbiyaa bado aanad weligaa ka talawdeen , wuxuu ku baraa qoomam aanad weligaa barateen inay jiraan.
Wax akhrisku iyo wax qorku wuxuu kuu kordhiyaa aqoon taada sarena u qaadaa , bayj kii kasta ee aad akhridoba maskax daadana qayb xidhnayd ayaa furmaysa oo shaqaynaysa .
Hadaba waxaan is lahaa dadka soomaaliyeed dunidan ay u soo kala dhoofeen wax yaabo fiican ayay ka baran doonaan ummadahan ay u yimaadenn sida wax akhriska iyo wax qorka .
Waayo ? dalalkan reer galbeedka ah waxa dhaqamadooda wanaagsan ka mid ah WAX AKHRISKA IYO WAX QORKA , sidaa awgeedna way ugu hor mareen .
HADABA adigu imisa buug baad bashan ina soo dhaaftay aad akhriday ?
AMA magaranaysaa buuggii kuugu danbeeyay ee aad akhrido ? iyo goormuu ahaa ?
Imisa buug baad sanadkii akhridaa ?
Maxaase kuugu danbeeyay ee aad qortay
Madhadhamisaa waxaad akhriyayso ?
OGOW aqoonta waxa kordhiya ee kobciyaa waa WAX AKHRISKA IYO WAX QORKA .
HORUMARKA DALKASTA ITO UMMA KASTABA WAXA UU LE EGYAHAY INTA UU WAX AKHRISKOODU YAHAY IYO WAX QORKOODU …
WA BI AL LAAHI TAWFIIQ
CALI MAXAMED BIIXI caliwwelli@hotmail.co.uk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker