Midowga Yurub oo si kummeelgaadh ah u joojiyay fiisooyinka la siinayo Itoobiyaanka

Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in si kummeelgaar ah ay xayiraad dhanka fiisooyinka ah ugu soo rogeen Itoobiyaanka.

Marka ay dadka Itoobiyaanka ah soo dalbanayaan fiisaha, xubnaha Midowga Yurub uma dhaafi karaan shuruudaha codsiga iyadoo lagu saleynayo cadeymaha ay bixiyaan.

Itoobiyaanka ayaan heli doonin fiisooyinka dhowrka jeer lagu imaan karo loogana bixi karo dalalka Midowga Yurub.

Itoobiyaanka isticmaala baasaboorada diblomaasiga iyo kuwa shaqaalaha ayaan la siin donin fiisooyin.

Mudada ay sugayaan dadka u dhashay Itoobiya codsiyadooda dalabka fiisooyinka ayaa la kordhiyay. Markii hore waxay ahaayeen ilaa 15, waxaa hadda laga dhigay 45 maalmood.

Qoraal golaha ka soo baxay ayaa lagu sheegay sababta go’aanka loo meelmariyay in ay tahay wadashaqeynta dowladda Itoobiya ay dib ugu qaadaneysa muwaadiniintooda sida sharcidarada ku joogo dalalka Midowga Yurub in ay tahay mid aad u hooseysa.

Waxay intaa ku dareen in madaxda Itoobiya aysan dib uga soo jawaabin codsiga ay ku qaadanayaan muwaadintiintooda.

Golaha Mdiwoga Yurub ayaa sheegay in ay dib u eegis ku sameynayaan wadashaqeynta dowladda Itoobiya ee la xiriirta in ay aqbalaan dadka. Sidoo kale waxay sheegeen Midowga Yurub in go’aanka uu yahay kummeelgaar, mana lahan waqti cayiman oo loo qabtay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker