Maxaa ka run ah inay Liin dhanaantu Dawo u tahay Cudurka Coronavirus?

Muqdisho (OWN) – Dr Maxamed Maxamuud Cali Fuje, oo la hadlay idaacadda BBC Somali ayaa ka jawaabay sheegashada dadka qaar ee ah in liin dhanaanta ay dawo u tahay cudurka coronavirus.

 

 

Liin dhannaantu iyo dawo dhireedka Qaarkeed ayaa meelaha qaar laga soo tabiyay inay wax badan u tareen dadka uu ku dhacay xanuunka coronavirus, inkastoo wali aan caddeyn dhinaca seyniska ah loo heynin inay daawo u yihiin cudurka safmarka ah ee dunida ku faafay.

 

 

“Liin dhanaantu sida guud waa daawo waana Vitamin C, laakiin ma aha dawo cilmi baaris lagu sameeyay oo dileysa cudurkan. Balse way caawin kartaa oo waxay qeyb ka tahay waxyaabaha dhisa difaaca jirka”, ayuu yiri Dhakhtarka.

 

 

Wuxuu dhinaca kale meesha ka saaray hubaasha in liin dhanaanta lagu dhaqan karo gacmaha.

“Ilaa mahha ma heyno caddeyn dhinaca seyniska ah. Waxa aan ognahay waa in gacmaha lagu dhaqi karo biyo iyo saabuun oo ilaa 20 ilbiriqsi lagu dhaqanayo. Haddii aadan saabuunta heysanin ku dhaqo dareeraha jeermis dilaha ah haddii aadan intaas heli karinna danbas iyo biyo isticmaal”, ayuu yidhi.

 

 

Wuxuu Dr Fuje ku taliyay in Qofkii isaga shakiya xanuunka uu gurigiisa joogo, laakiin haddii deegaankiisa laga heli karo xarumo caafimaad oo loogu talagay coronavirus iyo goobo karantiil ah uu si dhakhso ah ula Xidhiidha.

 

 

Dhanka kale, wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay fikradaha qaba in coronavirus uusan ku dhaceynin dadka muslimiinta ah iyo bulshooyinka ku nool dalalka kuleylaha ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker