Dawlada Maraykanka oo Muwaadiniinteeda uga Digtay Inay u Safraan Wadamada Kenya iyo Somalia

Muqdisho (OWN) – Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay digniin hor leh oo muwaadiniinteeda ay uga Digayso  inay u safraan Soomaaliya iyo Kenya.

War kooban oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Kenya ayaa waxaa lagu sheegay inay kordheen dambiyada abaabulan ee la xiriira argagixisanimada.

Sidoo kale waxa ay safaaraddu muwaadiniinta Mareykanka uga digtay inay tegaan gobollada ku yaalla xuduuda dheer ee u dhexeysa wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

 

Sababo la xidhiidhka argagixisanimada awgeed, shaqaalaha dowladda Mareykanka ayaa laga mamnuucay inay u safraan gobollada xudduudda Kenya iyo Soomaaliya iyo meelaha xeebaha qaarkood.” ayaa lagu yidhi qoraalka safaaradda Maraykanka ee Kenya.

 

Safaaradda ayaa sidoo kale shaacisay inay kordheen falalka la xiriira afduubka ay geysanayaan kooxaha hubeysan ee ka tirsan Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka ka qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah Al-Shabaab ay ka fulisa dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo geysta khasaare kala duwan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker