Xamaale : Curiye Cabdiraxmaan Maxamed Cali Ubaxle

Waa wiil yar oo ku xamaasha gaadhi-gacan(keeryoon) kana shaqysta suuq ka mida suuqyada magaalada burco, wuxuu iska xamaashaba waxay maalin maalmaha ka mida ka heley mid ka mida dadka nolosha ka dhacay ee aan fiicnay ee suuqa ujooga dhaca boobka iyo iyo wax is daba marinta waxana ninkii laga roonahaa iyo wiilkii yara dhexmaray hadal fadhi ku dirir iyo wax is warsi ubadnaa waxaanu ninkii u sheegay wiilkii yaraa inuu wiilka yar uu ka helay uu na u sheegay inuu leeyahay sifada dadka la amini karo isagoona ku yidhi “waxaad tahay nin intiisa kawayn oo la aamini karo waxaanan doonayaa inaan ku geeyo meel aad ka shaqayso” wiilkii hadalba kama keenin wuxuu ugu jawaabay “diyaar baan u ahay shaqadaa” wuxuu ninkii u sheegay wiilkii inuu soo qaato qadar lacaga oo uu usooosiiyo maryihii uu ku shaqynlahaa oo ka duwan kuwan uu xidhan yahay lagana soo ibinaayo meheradaha dharka ee suuqa ku yaala, kiiya isagoo yaaban dhinacna ka shakisan ayuu ninkii u sheegay inuu haysto qadar lacaga oo uu muddo dheer biirinay uuna udhiibi doono si uu ninkii dharkii shaqada ugu soo iibiyo.

Deedna ninkii markii uu lacagtii ka qaaday wiikii ayuu ku yidhi lacagtaan halkan ka dirayaaye oo ELECTRONIC kaga soo dhigayaaye isii yara sug , wiilkii yara halkiibu ku sii sugay , markuu wakhti badan sugay wuu daalay, markuu indoora taagnaa ee uu sugayay ninkiina soo raagay ayuu u dhaqaaqay dhankaayo dukaankii lacagta laga dirayay ee uu ninku u tilmaamayay, mise ma ba joogo ninkii!!!!.

Dukaanka waxa jooga ninkii lahaa iyo rag kale oo wax ka iibsanayay, wiilkii ayaa kusoo dhex dhacay hadalkiisina ku bilaabay “MEE NINKII MEE NINKII” ragii meherada taagna maqr qudhay soo wada jaleeceen oo ay ku yidhaahdeen “NINKEE ileen meeshu waa meheradoo dad badan baa ka dukaamaysanayoo waa meherad ganacsiyee”markaa ayuu wiilkii ka sheekaynayaa sheekadii isaga iyo wiilka dhex martay, markaa ragii waxay kula talinayaan inuu wiilkii trago meeshii ay ninika ku kulmeen si loo xidho, wiilkii yaraa wuxuu quus ka jooga hadii uu tago xaruunta booliska in aan waxba loo qabanay illaa uu bixiyo lacag tii hore ka badan si loogu soo qabto, waxaana goobtaas dadki taagna ka mida Cabdiraxmaan Maxamed Cali Ubaxle qisada iyo siday u dhacdayna ii ga sheekeeyay oo maanso uu dareeenkiisa ku cabirayo ka mariyay tixdani hoos ku xusan:-

 

Allahayoow xumaayoo
Xayawaanku dhaamee
ilmo xoodmay gaajada
Xaragana ka suudalay
Muruqmaalka xuuska ah
Ninka dhacay xamaalaha
Adin qudha ku xoogsada
Oo xaabku soo helo
Ku xaraysta meel adag
Si uu xaalkan uga boxo
Noloshana xal ugu helo

 

Ma xishoodahaasoow
Raso xumi dam kula tidhi

yidhi yidhi xalleefoow
Gabanyahow xariirta ah
Xalaal miiradbaad tee
Shaqaan kuu hayaa xula
Macmaacnle xiisa leh

 

Midka lacag xad dhaafiyo
Xoolo aan dhammaanayn
Xaqiiq loogu hawshoon
Haddaad xuural cayniyo
Rabto gaadhi xaajoow
Cidlo laguma xiiqee
Xadhigeeda iga qabo

 

Isna xaydo mooyee
wax xaqiiji muu odhan
yidhi xaadirbaan ahay
Xaragada dad jeclbaa
Nagu xidhan xabiiboow
Haddii ay il xumadliyo
Xanuun iyo basaasiyo
Xaalkan aad ku joogtana
Meeshu way xidhmaysaa
Xalse aynu keenee
Huga loo xidhaa waa
Boqol xaashiyoodiyo
Konton tii xageena ah
Ogol yidhi xujaaloow
Xoogaagan iga qabo
Wuxu yidhi xariifkii
ma xambaari karayee
sug dukaankan nagu xiga
lambarada hawada xula
haygu shubo xisaabtee

 

dabin uu usoo xidhay
iyo xeeladduu dhigay
xamarow ma lagu dagay
maku dhacay xalleefow

isagoo xanaaq daran
xididada la muuqdaan
indhuhuna xuduudiyo
xadka hoose dhaafeen
oo ay xunbayntii
qanjidhadu xanuuneen
Xilli aan xili ahayn
inta uu xaf soo yidhi
xaggii loo sawiray iyo
xayndaabkii soo gaadh

 

waa bakhaar la xidhayee
yidhi yidhi xaguu maray
xagan odaygii taagnaa
lana yidhi xabeeboow
bulshadaa ku xidhanoo
xarun ganacsi weeyee
xus tilmaamihiisiyo
magucuu ku xaadiro
garan mayo xaajow
nin I xadayuun weeyoo
iga dhacay xamaalkaan
sannadaha ku xiiqoo
xeelad yaable igu dhacay
xayraankii saakiyo
waxa xalay kasii darm
caku xiisahaygii
yo xamaasadaydii
qadadii ma iga xidhay

 

xoolo iguma yeedhaan
xoogna iguma baaqsane
al xagaan ku eertaa
la ye xaalku waa samir
ee xagaad ku kulanteen
cid taaqaan ku xayraan
wax ma ogid xaqsooroow
ninka xada dadwaynaha
amisonta xammariyo
xildhibaan awoodliyo
xiddig bay ku sheegaan
qof haddii laxadayana
isma sheegto waa xeer
teena kii ka xaabsada
xaaluf daaqa soo baxay
waa xaaji magacwayn
xidigna waa usoo baxay

 

xadhig aanu qabanayn
orodoo xabsiga aad
intii layga xadaybay
xad lamida yidhaahdeen
sharcigaa u xoog wayn
nin xuduuda dhaafoow
xushmadlayda dumarkiyo
xaqa maatadeeniyo
ka xamaalanaayaa
hadday xeerka jiidhaan
xukun adag ku ridayoow
walee xiisad adagiyo
xaqdaraad ku nooshee
ku xaalsho taaduun

 

yidhi yidhi xalleefoow
adna xaalka eebiyo
xag alluun u daa yidhi
qof xakiimku wehewshaba
libtu waa xageesee
Xaalka samir udaa yidhi.

 

 

Qalinka Maxamed A Saleebaan Haaruun

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker