Khubaro Ogaatay halka rasmiga ah ee Coronavirus ka yimid

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay in xanuunsidaha COVID-19 ee Coronavirus uu keeno laga keenay shaybaadh ku yaala dalka Shiinaha.

Baadhitaankan ayaa waxaa sameeyay khubaro ka socotay WHO, oo muddooyinkanba ku sugnaa Magaalada Wuhan.

Khubaradan ayaa kormeer ku tagay suuqyada, iyagoona baadhitaano ku sameeyay goobaha caafimaadka iyo machadyada ku yaala Magaalada Wuhan.

Dr. Peter Ben Embarek oo ka tirsan kooxda loo diray Wuhan ayaa sheegay in nasiib-darro tahay in fayrisku uu ka soo baxay shaybaar ku yaala magaaladaasi, iyadoo markaasi la leeyahay waxaa loo sameeyay bani’aadamka.

 

“Natiijada ka soo baxday baaritaanka lagu sameeyay arrinta ku saabsan in fayriska shaybaar lagu abuuray, waa mid aysan u badneyn in ay sharaxdo mowduuca sheegaya in fayriska loo sameeyay bani’aadamka. Sidaas darteed tallaabadan waxay xoojineysaa shaqadeena ku aadan inaan sii wadno dadaalka aan ku ogaaneyno meesha uu asal ahaan ka yimid fayriska.” Ayuu yidhi Peter Ben Embarek.

Xanuunkan ayaa dunida oo idil ku dilay dad tiradooda lagu sheegay 2,333,446, sida ku cad jadwalka maalinlaha (WHO) ee Arbacadii .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker