Shirka urur goboleedka IGAD oo Jabuuti ka socda

Shirka urur goboleedka ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah dalalka bariga Afrika ayaa ka socda magaalada Jabuuti oo xaruntiisa cusub laga dhagax dhigay.

Waxaa kasoo qayb galay madax ay ka mid yihiin Madaxweynayaasha Kenya, Soomaaliya, Koonfur Suudaan iyo raysal wasaaraha Itoobiya.

Shirka waxaa looga hadlayaa arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin colaadda Suudaan iyo ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyada oo shalay ay warbaahinta Kenya werisay in madaxweynayaasha Kenya iyo Jabuuti ay ku baaqeen in dib u eegis lagu sameeyo awoodda Soomaaliya ee ay ku hananayso amaanka dalkeeda ka hor inta aysan ka bixin ciidamada Midowga Afrika.

Wararka kasoo kordha halkan ayaan idiinkusoo gudbin doonnaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker