Maxamed Baashe Waa Kuma, Muxuuse Rabaa?
Maxamed Baashe wuxuu ahaa dhalintii isagoo aan dugsi sare dhamaysan qoriga u qaatay dawladdii Soomaaliya ee halganka hubaysan la galay kuna biiray jabhaddii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM. Wuxuu tacliintiisii u seegay isagoo rumaysan in dagaal lagu qaado dowladdii Soomaaliyeed.
Maxamed saddex sannadood markuu ka mid ahaa xoogaggaa hubaysan ayay SNM u dirtay Jukoslofaakiya si uu saxaafadda u soo barto. Lama hubo inuu waxbarashadaasi meel ka gaadhay. Wuxuu markii dambe qoxoontinimo ku tegey dalalka Jarmarka iyo Holland haddana wuxuu uga sii gudbay Ingiriiska.
Waddamadaa uu ku soo noolaa weligii waxba kamuu baran, kamuu shaqayn haddii laga tegi waayo mudo yar ayuu shariikadda Dahabshiil u shaqeeyay intaan shaqada lagaga eryin aqoon daro.
Maxamed wuxuu ku biiray xisbiga UCID, haddana Kulmiye oo labada xisbiba waxba lagu aamini waayay. Wuxuu haddana isku dayey inuu xisbiga Waddani ku biiro, laakiin umay sooroobin waayo sheekadiisa is badalka badan ayuu xisbiga Waddani kasii war hayay.
Hadeerna Maxamed Baashe wuxuu u qam iyo diglaynayaa siduu ugu biiri lahaa Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya.
Maxamed Baashe Dariiqee ayuu Baarlamaanka Fadaraalk u marayaa?
Maalmahan ugu danbeeyey wuxuu Maxamed Baashe saxaafadda ku soo qoray inuu samaystay xisbi la yidhaa ” Mar kale Midnimo”. Reer Burco oo uu sheegtay inuu ka soo jeedo aanu ku leeyahay taageeraal kumannaan dhaafayaa waxay ugu jawaabeen “ Mar kale MIYIRSO” iyagoo uga jeeday markii aad xanuunsatay waa kii Ilaaha Raxmaan-ku caafimaadka ku siiyey ee miyirkaagii iyo maankaagiiba kuu soo celiyey, ha is waalin ee miyirso. Inta yaree Soomaalida Soomaaliya iyo Somalia Tv-yada iyo Idaacadaha uu uga sheegayo waxaa ka badan inta u qarsoon si dantiisa gaarka ah ugu fusho.
Maxamed Baashe muxuu Soomaaliya ula yimi?
Somalia waa inay joojisaa Federaalka waayo Federaalka Soomaaliya samaysatay waa fikir qaldan, waa in la joojiyaa. Nadaamkii 4.5 isna waa inay Somalia joojisaa.
Maxamed wuxuu ka soo horjeedaa dhammaan maamul goboleedyada Soomaaliya loo sameeyay sida Puntland, Jubaland, Hirshabeeye, Koonful Galbeed iyo Galmudug.
Wuxuu leeyahay Dawlada Federaalka Soomaaliya waxay haystaan ha qubaan wax uu ku badalana ma hayo. Wuxuu qorshaynayaa inu jaho wareer dadka Soomaaliyeed ka dhex abuuro dhan walba.
Dhammaan Qaraaradii kasoo baxay AU, IGAD, UN iyo EU laguna bixiyey bilyanis doolar in Soomaaliya laga caawiyo dhisme dawlad Federaal-la oo Dastuur leh waa in adduunku joojiyaa.
Maxamed Baashe muxuu Somaliland ula yimi?
Wax la yidhaa Somaliland maba jirto. Jamhuuriyadii Somaliyeed ee burburtay may ahayn laba gobol oo kala madax banaan oo isku tagay.
Wuxuu yidhi Dastuurkii ummadda Somaliland 2005 ugu codaysay 97% waa waxba kama jiraan ee talo-dayda halla qaato.
Maxamed wuxuu Somaliland ka is taagay meel aanay reer Koonfureedkaan iska soo horjeednaa aanay inaga gaadhsiisnayn.
Wuxuu ina leeyahay in wixii bulshada Somaliland ay naftoodii iyo maalkoodii usoo hureen ee dib-u-xoreyntii ka mid ahayd iyo lasoo noqoshada xornimadii dalkooda rayigoodii mar qudha badalaan oo ay taloddiisa keligii ka timid qaataan kana noqdaan dalkooda oo Somalia dib ugu biiraan. Waar ma waxyi baa ku soo dagay?
Wuxuu ina leeyahay Halista inagaga iman karta is bedelka ka socda Geeska Africa waxaa lagaga hor tegi karaa uun Somalia iyo Somaliland oo is raaca – Djibouti, NFD, Kililkuna sidoodaa ahaadaan. Wuu carab laalaadinayaa.
Wuxuu dafirayaa horumar wal oo ay Somaliland gaadhay siduu uga hor yimi maalgashigii Dakada Barbara 2017 isagoo la mawqif noqday dawladda Soomaaliya.
Maxamed Baashe wuxuu dhalinyarada Somaliland ula yimi shaqo la’aan baa idin haysa, dawladdiiniina Shaqo idiin may abuurin isna waligii muu shaqo tagin isagoo 33 qurbo joogay marka laga reebo in yar oo uu dababshiil u shaqeeyay, in mar uu Somalilandta uu lafteeda leeyahay shaqo ma jirto u soo shaqo doontay TVga Star, Hargeysa 2016.
Mar kale midnimo maxaa kale oo ku cusub?
Maxamd Baashe wuxuu leeyahay ‘’Dawladda Somaliland way ku fashilantay inay horumar dadkeeda gaadhsiiso doorashooyin xorana qabato.’’ Caddaalad darada Somaliland gudaheeda ka jirta iyo ta Soomaaliya gudaheeda ka jirta waxaa lagaga baxayaa in labadaba la isku daro.
Maamul xumada Somaliland ka dhex jirta iyo ta Soomaaliya ka dhex jirta waxaa laga baxayaa in labada maamul xumo la isku daro.
Rajo xumada Somaliland soo wajahday iyo rajo xumada Soomaaliya soo wajahday waxaa laga baxayaa in laba rajo xumo la isku daro.
Geed kastaba xansas gubaa wuu hoos yaalaaye, waxaa dhibtaa lagaga baxayaa in labada xansas la mideeyo si wuxuba isula sii qarxaan.
Maxamed Baashe markuu sidaa leeyahay mucnaheedu wuxuu yahay:
Soomaali anaa ugu aqoon badan
Wanaag Soomaali garan weyday ayaan gartay
Dhammaan waxgaradka Soomaali waxay arki kari waayeen ayaan arkayaa
Soomaalaay waxyi baa igu soo dagay ee ANIGA, ANIGA i dhagaysta.
Hadaad i dhagaysan waydaan 10 sanadood gudohood, waa 2030 ka e’, ayaa wax Soomaali ah lagu waayayaa. Waar ma waxyi baa ku soo dagay?
Laba su’aalood oo kaliya ayaa muhiima inaad is weydiiso:
Ma dhabaa oo Maxamed Baashe Soomaali ayuu u danaynayaa ?
Ma dhabbaa oo guud ahaan waxgaradka Soomaali isagaa ugu aqoon badan?
Xaqiiqdu waxay tahay Maxamed Baashe
Jaamicad wuu bilaabay laakiin waligii digrii hagaagsan ma qaadan, Master ama PHD iyaga hadalkoodba daa, waayo wuxuu waxbarashadii Soomaaliya kaga tagay isagoon dugsigii sareba aan dhamaysan.
Maxamed Baashe nin laba kalmadood oo Ingiriisiya qori kara maaha haddaanu ina lahayn jaamacadaha Yurub ee aan ka baxay Af-Soomaali baa wax lagu baran jiray.
Saxaafadda iskuul umuu galin, haddii uu u galay oo aanu Af-Soomaali wax ku dhigan luqadahaa kale wuxuun buu ka aqoon lahaa.
Nin Diinta Islaamka bartay Afka Carabiga qori kara ama ku hadli karana maaha.
Nin Academic ama Expert ah oo siyaasadda Geeska ka faalloon karana ma aha.
Nin aqoon shaqo leh oo xukuumad, NGO ama bank horumarineed usoo shaqeeyey oo xogta dalalka Geeska Africa ka jirta soo ogaaday maaha.
Wixiisu waa indho adayg iyo dameertii fardaha la daaqday ee faraska is mooday markuu dhowr cisho waraystay borofesoor Axmed Ismaaciil Samatar.
Kartida shakhsi 33-kii sano uu Yurub joogay waa:
Maalin qudha Maxamed Baashe muu shaqo tegin labada dal uu ku noolaa Holland iyo Ingiriiska, haddii laga qarmi waayo mar buu bilo yar tukaan buugaag ku dhex iibiyey.
Mudadaa dheer uu Yurub ku noolaa Caydh ayuu ku noolaa
Mudadaa dheer uu Qurbo ku noolaa Sandaqad kamuu soo dhisan dalkiisa cid kalena u muu soo dhisin, lacagaha dadka shaqaystay ee hawl-gabka (Pension) gaadhayna xaq uma laha maadaaman aanu weligii Yurub kasoo Shaqayn. Sidaasuu ku yahay naf la caari xil doon ah oo bakhtigu u xalaal yahay.
Hammigiisii siyaasadeed haddaba muxuu yahay?
Xukuumadihii Kulmiye xil buu ka hungureeyey Wasaaradda Warfaafinta
Qurbaha wuxuu uga soo dhoofay 2016 inuu xil helo.
Kaambaynkii doorashada Kulmiye tacab badan ayuu geliyey se kursi kumuu helin.
Wuxuu imika u tafa xaytay inuu ku biiro Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya isagoo doonaya inuu matalo Somaliland-ta uu dafirayo jiritaankeeda. Bal miyuu aayar uun iska xil doonto intuu waxan oo rabshad ah is gelinayo.
Haddaba maxaa ku dhaliyey Maxamed Baashe fikirkaa isba uu ogyahay inaan kow- weey cidi ka odhannayn e’?
Waa Xil doon Xamar uu xil kaga rabo
Waa is-muujin Somalia isku muujinaayo
Waa sidii Somalia uu uga heli lahaa kursigii Somaliland uu ka waayey.
Xaqiiqda ka danbaysa fikirka Maxamed Baashe ” Mar Kale Midnimo” waa nin u hanqal taagaya kursi uu “baalaxooftayn ” ku helo iyo is-dabaqabatayn kartidii dhalinyarnimadii Yurub uu kaga faa’iidaysan kari waayay inuu kursi uu ku badhaadho guryo ku dhisto uu ku helo.
Maxamed Baashe dan gaaruu wataa Mar kale midnimuu rabaa inuu ku guuro si uu baarlamaanka Soomaaliya ugu galo dabadeedna qas iyo qalalaase ka dhex bilaabo. Wuxuu rabaa inuu sheegto inuu deegaanada Somaliland xubnaha Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya loogu qoondeeyay sidaa ku galo. Wuxuu Somalia usii wadaana waxtar maaha ee waa Waali Cas iyo Fudayd.