Isra’il oo duqeysay Isbitaalka Al Aqsa

Duqeyn cirka ah oo ay ciidamada Isra’il Axaddii ku bartilmaameedsatay isbitaalka Al Aqsa ee bartamaha Marinka Gaza, ayaa lagu dilay ugu yaraan afar qof halka ay ku dhaawacmeen 17 kale.

Laanta caafimaadka WHO, wariyaal iyo saraakiisha isbitaalka Al Aqsa ayaa xaqiijiyay weerarka khasaaraha badan sababay. Afhayeen u hadlay isbitaalka ayaa sheegay in dadka weerarkaasi ku dhaawacmay ay ku jiraan dhowr saxafi oo goobta ka ag dhahaa.

Milatariga Israil ayaa sheegay, in duqeynta ay ku bartilmaameedsadeen xarun howlgal oo ay sheegeen in dagaalyahannada Islamic Jihad ku leeyihiin isbitaalka.

Xarunta Isbitaalka ayaa waxaa ku dhex yaalla teendhooyin ay degan yihiin in ka badan 600 oo qoys oo kasoo barakacay qeybo kala duwan oo ka mid ah Gaza.

Tan iyo marki ay Israil billowday duullaanka ay ku qaadday Gaza, ayaa waxaa tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay Gaza kor u dhaafeen 33 kun oo u badan dumar iyo Carruur.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker