Akhriso:Golaha Shacabka Somalia Oo loo Qeybiyay Xeerarka Dhameystirka Doorashooyinka.(Akhriso)

Guddiga diyaarinta xeerarka dhameystirka Sharciga Doorashoyinka Qaranka ayaa Maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya u qeybiyay xeerarka ee dhameystirka doorashooyinka oo ay soo diyeen.

 

Guddiga ayaa Xildhibaanada u qeybiyay 4-ta xeer, kuwaasi oo kala ah Xaqiijinta Mataalada Gobolka Banaadir, Xeerka Asteynta iyo Daadajinta Kuraasta Baarlamaanka Federaalka, Qoondada Haweenka iyo Habka Nidaamka Doorashada Xubnaha Gobolada  Somaliland.

 

Intaas kadib Guddoomiyaha Guddiga diyaarinta xeerarka dhameystirka sharciga doorashoyinka Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow ayaa Xildhibaanada ka hor Akhriyay warbixinta guddiga ee ku saabsan 4-ta xeer.

 

 

Warbixinta Guddiga ayaa  lagu sheegay in Guddiga ay isku raaceen in Matalaada Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir laga siiyo 7, isla markaana wax laga bedeli doono qodobka 72aad ee Dastuurka, sababo la xiriira 7-da kursi ee Gobolka la siiyay.

Hoos ka Akhriso Xeerka.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker