Wiil Iyo Gabadh Isla Dhashay Oo Wacdarro U Dhigaya Kooxaha Waa Weyn Ee Chelsea Iyo Manchester United

Isbuucii Aynu soo dhaafnay waxay  u aheyd qoyska James mid ay in muddo ah sugayeen, wiilka iyo gabadha isla dhashay ee Reece James iyo Lauren James ayaa ku faa’iiday tababarkii uu aabahood Nigel soo siiyay markii ay yaraayeen.

 

Aabahood Nigel ayaa ahaa xiddig kubada cagta ciyaari jiray balse markii danbe isku bedelay leyliye, waxaana uu haatan ku riyaaqayaa inuu arko caruurtiisa oo masraxa ugu weyn ka ciyaareysa.

Reece ayaa la joogay Chelsea tan iyo markii uu lix sanno jir ahaa. Waxa uu ahaa sagaal sanno jir markii uu John Terry ka helay maaliyad saxiixan oo uu ugu qoray nasiib wacan taasoo uu ku dhejiyay sariita korkeeda.
10 sannadood ka dib, 19 jirkaan daafaca midig ayaa kulankiisii ugu horeysay u saftay kooxda kulankii Carabao Cup ee ay Grimsby. Waxa uu dhaliyay gool, waxaana uu caawiye ka noqday gool kale iyadoo Chelsea ay 7-1 ku badisay.

Haddii kulanka Grimsby uu ahaa bilow fiican, waxa uu sidoo kale wacdarro dhigay kulankii Champions League ee kooxda Lille. Qaab ciyaareed fiican iyo guul kale. Welina ma uusan safanin kulankiisii ugu horeysay ee Premier League.

Walaashiis Lauren James, waxa ay dhalisay goolkii ugu horeysay abid ee ay Manchester United ka dhaliso horyaalka dumarka Ingariiska ee Women’s Super League ee ay ka badiyeen Liverpool.

Reece James ayaa tababar ku jiray waqtigii ay walaashiis goolka dhalisay waxaana fariin loogu soo diray muuqaalka goolka. “Qof ayaa ii soo diray muuqaalka, waxa ay aheyd gool fiican, dhameystir fiican ayay sameysay! Shaqo fiican ayay wadaa. Waxaan rajeynayaa inay sii wado.”

Lauren James waxay sannad ka yar tahay walaalkeed Reece, waana xiddigta ugu da’da yar ee Manchester United.

Waxa ay hore u joogtay Arsenal oo ay aheyd xiddigta labaad ee ugu da’da yar ee taariikhda kooxda. Waxaana ay haatan la tartameysaa xiddigo ka waa weyn oo ka dhex muuqato.

By Suxufi Sinyoore Xigasho british sport news

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker