Sida ugu dhibtayar ee lagu xallin karro shaqaaqooyin ceel afweyn nabadna looga dhalin karaan idiin sheegayaa dhegahiina ii raaricaya

Sida aan ognahay waxa badanaa kusoo noq noqda gobolada barriga somaliland  gaar ahaan gobolka caggaaran ee sanaag inteeda LA dhaho ceel-afweyn  shaqaaqooyin iyo colaaddo badanaa Kakala dhex dhaca labo beelood oo  walaala ah.

Badanaa dhibaatooyinkaasina waxa ay ka bilaabmaan waxaan macno lahayn Sida dhulal cidla ah ,ama ceelal madhan, amaba dhibaatooyin hore e oo u badan aanooyin iyo waxaan diinta iyo dhaqankaba Sal kulahayn.

Badanaa waxa dabada kariixa shaydaan I saga oo ka faaidaysta, iskuna sii dira dadyowga walaalaha ah ood wadaagtana ah.ilaahna wuxuu yidhi Mar uu shaydaanka ka hadlayay shaydaanka wuxuu idiin yahay  caddow  cad ee ka digtoonaada.

Haddaba si kastabA wax ha u dhacanee majiraan waxaan xal lahayn oo aan LA  helli karayn xalkooda.

Kow waa in odayaasha labada dhinac si toosa LA isku horfadhiisiyaa oo si dhaba loowada hadashiyaa,xaggaana qaraar iyo xeer adag oo meel Mara  oo nabadaynta ku sahabsan  Kala dhigtaan meelna mariyaan.

Talabaad waa in ay kuwa  warbaahinta haystaa gudbiyaan  xilli walba dhinaca wanaaga ,kana mamnuucaan tyadooda iyo jaraa’idadooda ama warbaahintooda ama maregayshooda dad ama Cid kastoo faafinaya arrinkastoo wax xummayn ama wax hurrin kara .wax sama ah mooyee.

Hana lasoo xullo Cid kastoo sammo katalisna  dhibasayansa ama neceb colaadaha

Dawladu waa in ay doorkooda ka ciyaaraan waddo kasta oo xalla oo dhanka wanaagansan ay u maraan  sidii ay ku damin lahaayeen shaqaaqada xagaa ka jira.

Abwaanada hala adeegsado culimada hala adeegsado .aqoonyahanka inteeda saliimka hala adeegsado salaadiinta inteeda sammo katalisa hala adeegsado. arrintaasi Somaliland oo Dhani hagasho oo barrigeeda iyo galbeedkoodaba arrinkan halaga xalliyo

haddii intaa si dhaba loogu dhaqaaqo waxaad ogaan doontaan faaidadeeda iyo halka uu xalgu a uu ku jiro

Nabadaa qiimaheega iyo wanaagana hala dhandhansiiyo oo halloo sharraxo luuqad kastoo waxa lagu fahansiin karana halloogu sheego hadday dhaqan noqoto hadday diin noqoto madaxweynaha ugu sarreeyana hatago oo arrinkaa hadhexgalo goobta lagu heshiisanaya ha gaadho.   ceelal badan haloo qodo markay ceelalku bataana baahidiiba yaraanasa .waana xalka ugu dhow ee arrinkaa lagu xallin karro.  salaam

 

xamse riiraash

hamseriraash@hotmail.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker